Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Gal-Mudug oo Saaka dib uga bilowday Gaalkacyo

October 24, 2016 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaray hadda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in uu dib u qarxay dagaal culus galbeedka fog ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay isku horfadhiyeen ciidamada Puntland iyo Gal Mudug. Dagaalka saaka ayaa waxaa uu ku bilaawday Madaafiic iyo qoryaha waaweyn oo ay saaka is dhaafsanayeen labada ciidan .

Ciidamo gurmad ah oo ka yimid Garoowe ayaa saaka waxay u kala jiheysteen Degmada Goldogob iyo magaalada Gaalkacyo waxaana faraha ka sii baxaya xalinta dagaalka magaalada Gaalkacyo ka dib markii dagaalka la siyaasadeeyey. Sarkaal u hadalay ciidanka Difaaca Puntlad ayaa sheegay in saaka dagaal ay soo qaadeen ciidanka Galmudug waxaana uu sheeegay in ay iska difaaceen ayna magaalada ka fogeeyeen .

Dhanka kale masuuliinta Galmudug ayaa ku eedeeyey dagaalka ka socda Gaalkacyo in ay ka danbeeyaan maamulka Puntland wixii dhibaato ahna ay iyagu dusha u ridan doonaan. Hubka culus ayaa la maqlayaa, waxaana jira gurmadyo xoog leh oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo waxaana magaalada laga dareemayaa colaad baahsan.

Masuuliinta DFS ayaa wax waanwaan ah ama nabadeyn ah ka dhexwadin labada Maamul waxaana lagu eedeeyey in ay qeyb ka tahay hurinta colaada dagaalada gobalada dhexe iyo Mudug balse DFS waa ay iska fogeysay eedeyntaas.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online