Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay ciidamo u dirayso magaalada Gaalkacyo.[Dhagayso]

October 11, 2016 - Written by Editor

maareeyeMuqdisho:-Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo u dirayso magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug si ay u kala dhex galaan ciidamada Gal-Mudug iyo Puntland ee dagaalka uu u dhexeeyo.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye ayaa dhanka kale ugu baaqay waxgaradka magaalada Gaalkacyo in ay ku dadaalan nabadaynta dadka wada degan Gaalkacyo si looga fogaado colaad iyo nabadgelyo daro.

Dhinac kale hadalka Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ku soo beegmay xili warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ay ku eedeysay ciidanka dowladda federalka Soomaaliya in ay qayb ka yihiin dagaalka u dhexeeya iyaga iyo Gal-Mudug.

Hoos ka dhagayso Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2016/10/Maareeye.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online