Golaha Wakiilada Puntland oo bilaabay dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta aqalka sarre (Masawiro)

October 19, 2016 - Written by Editor

farooleGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in golaha wakiilada ee dowlada Puntland ay bilaabeen in ay dhageystaan Khudbadaha musharixiinta u tartamaya Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland ugalaya DFS.

Musharixiinta xubinimadda u tartamaya Aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland ayaa gaaraya 29 xubnood, oo 8 ka mid ah ay yihiin haween waxaana ay soo bandhigi doonaan xubin walba waxqabadkeeda haday ku guuleysato xubinimada Aqalka Sare.

Aqalka Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa waxaa ku sugan guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, iyo Guddiyadda doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo maamul goboleed, qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland ,xildhibaano iyo Isimada Puntland.

Waxaa hoolka golaha wakiilada khudbad kooban ka jeediyey inta aysan xubnaha u tartamaya aqalka sare aysan bilaabin khudbooyinkooda guddoomiyaha guddiga Doorashadda heer Maamul goboleed Khaliif Aw-cali iyo Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid guddigga doorashooyinka Dadban ee Heer federaal .

Waxaa Hoolka golaha wakiilada Puntland ka maqan Raisulwasaaraha DFs Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isagu ka mid ah xubnah Puntland u soo xulatay Aqalka sare waxaana la filayaa in maalinta birito ah la qabto doorashada lagu soo xulayo 11 xubnood ee dowlada Puntland u matalaya aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya.
Amaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana bara kontorool la dhigay wadooyinka soo gala dhismaha golaha Baarlamaanka Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online