Goobihii waxbarashada ee Degmada Cabdudwaaq oo shaqo joojin sameeyey (Masawiro)

October 29, 2016 - Written by Editor

img-20161029-wa0036Cabudwaaq:-Mudahaaraad aad u Balaaran oo haatan Ka socda Magaaladda Caabudwaaq, kaas oo looga soo horjeedo dilkii Macalin kamid ah macalimiinta sida weyn looga qadarin jirey degmada Cabudwaaq kaas lagu dilay Degmada .

Dhamaan iskuuulada iyo goobaha waxbarashada oo dhan ayaa albaabadda loo xirey muddo isbuuc baroor diiq iyo in fariin xoogan lagaarsiiyo gacan dhiiglayaasha ka caado yeeshey gumaadka dadka.

Dhamaan dadweynihii iyo macalimiintii ka qayb galay isu soo baxa ayaa tacsi tiiraanyo leh udiray ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Macalin Khadar Maxamud Axmed, waxayna ku baaqeen in cadaaladda la hor keeno gacan kudhiiglihii dilay Macalinka.

Dilka macalinka ayaa saamayn balaaran ku yeelatay dareenka Macalimiinta, waalidiinta, ardayda iyo dhamaan bahda waxbarashada ayagoo ugu baaqay dhamaan cidda ay khusayso in arintaas laga qaado tillaabo ficil ah.

Dadaal badan ka dib ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiiglihii waxaana la sugayaa odayaal jifada marxuumka kamid ah inay Magaalada soo gaaraan si loogu wareejiyo.

Halgan.net
Cabudwaaq

 

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online