Kooxda Daacish oo dib uga baxay xalay degmada Qandal.[Masawiro/Video]

October 27, 2016 - Written by Editor

snapshot_117Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in maleeshiyaad hubaysan oo sheegay in ay yihiin kooxada Daacish oo shalay soo galay degmada Qandala ay dib uga baxeen magaalada ka dib markii ay ka war helleen ciiidamo ka tirsan Puntland oo ku sii jeeda degmada Qandal. Maleeshiyaadka shalay soo galay degmada Qandal ayaa waxaa hogaamiye u ah Abduqaadir Muumin oo horay uga tirsanaa ururka Al-shabaab balse bilihii danbe sheegay in uu ka baxay kuna biiray ururka Daacish ee ka howl gala dalalka Syria iyo Ciraaq.

Wararka laga soo xiganayo dadka ku nool degmada Qandala ayaa sheegay i saaka lagu waabariistey maleeshiyaadka oo ka maqan magaalada, iyagoo dib ugu noqday buuraha ku hareeraysan magaalada oo markii hore u ahaa farisamo.

Dadka deegaanka ayaa ka qaxayey magaalada Qandala tan iyo shaley, markii ay soo galeen maleeshiyaadka hubaysan ee sheegtay in ay yihiin ururka Daacish iyagoo dadku ka baqayaan in ay u kor dagaalamaan ciidanka Puntland iyo kooxada Daacish.

Hoos ka Daawo kooxda Daacish oo galay degmada Qandal ee Gobolka Bari

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online