Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dhagax Dhigay wadada Ugaas Yaasiin ee magaalada Boosaaso (Masawiro)

October 26, 2016 - Written by Editor

gaasBoosaaso:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 October 2016 ayaa kormeer shaqo kusoo maray qaybo kamida magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Kormeerka uu maanta madaxweynaha dawladda Puntland uu ku marayey magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku weheliyey gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), duqa degmada Bosaaso Eng. Yasiin, taliyaha qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Ugu horayn horayn madaxweynaha dawladda Puntland ayaa wuxuu dhagax dhigay wada cusub oo laamiya oo dhererkeedu yahay hal kiiloo mitir iyo lixboqol iyo konton mitir, wadadaas oo laga hirgelinayo xaafada New Boosaaso oo kamida xafadaha waaweyn ee magalada Boosaaso.

Jidkan laamiga ah ee uu madaxweynaha dawladda Puntland maanta dhagax dhigay ayaa Waxaa Loo Bixiyey Ugaas Yaasiin, wuxuuna noqonayaa jidkii 11-aad ee laga hirgeliyo magalada Boosaaso mudo labo sanadood gudahooda, waxaana hirgelinta Jidkani iska kaashaday JPLG iyo dawladda Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha dawladda Puntland ayaa dhagax dhigay jid cusub oo laamiya oo isna laga hirgelin doona xafada laanta hawada ee magalada Boosaaso, jidkaas oo loo bixiyey Beeldaaje Cadilaahi ayaa noqonaya jidkii 12-aad ee laga hirgeliyo magalada Boosaaso mudadii madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu hoganka u hayey dawladda Puntland.

Dhinaca kale madaxweynaha dawladda Puntland ayaa soo kormeeray dhismaha suuq cusub oo laga hirgelinayo badhtamaha magalada Bosaaso, dhismaha suuqa cusub ayaa waxaa hirgelinaya dawladda Jaban, wuxuuna suuqani noqon doonaa suuq casriya oo ka kooban afar qaybood oo waaweyn oo dadku ka adeegtaan, suuqaasoo laga hirgeliyey xaafatul Carab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay mashaariicda cusub ee laga hirgeliyay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in mashaariicdaasi ay qayb ka yihiin qorshayaasha horumarineed ee ay Dawladdu ugu tala gashay magalooyinka Waaweyn ee Puntland.

” Mashaariicda kala duwan ee laga hirgeliyay magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland waa tallaabo hore loo qaaday, waana ku bogaadinayaa mamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ka qaybgalkooda fulinta mashaariicdan laga hirgeliyey magaalada Boosaaso, markasta muhiimada waxaanu siinayney horumarinta kaabayaasha dhaqalaha waana ku dedaalaynaa in isbeddel iyo horumarin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaale ee Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kaleba waxaan ku adkaynayaa inay ilaashadaan mashaariicda horumarineed ee laga fuliyey deegaankooda una diyaar garoobaan ka faa’iidaysiga mashaariicda horumarineed ee imaan doona” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online