Madaxweynaha DFS oo mar kale ku celiyey in doorashada 2016 aan dib u dhaceynin.

October 8, 2016 - Written by Editor

xasan16Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qabanqaabada doorashada taariikhiga ah ee 2016 ay si habsami leh u socoto, isla markaana ay ku qabsoomi doonto waqtiga loogu talagaley.

Madaxweynaha ayaa hadalkan u sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha amniga, Peter Thomas Drennan oo uu kula kulmay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya waxay maalinba maalinta ka dambeysa ku tallaansaneysa horumar dhinaca siyaasadda iyo amniga ah oo mustaqbal wanaagsan dalka loogu dhisayo. Waxaan meel-marinay barnaamijyo dhowr ah oo la xiriira amniga iyo siyaasadda oo aan ku ansixinay nidaam wada oggol ah. Waxaa hubaal ah in aan si tartiib tartiib ah uga mira-dhalin doono barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliyada cusub oo leh dhammaan kaabeyaasha siyaasadda ee qaran walba u baahan yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulankan kaga dhawaaqay in Madasha Hoggaanka Qaranka uu 10-ka bishan shirkooda uga furmi dooni magaalada Muqdisho, lagana arrinsan doono arrimaha dardar-gelinta doorashada, amniga iyo siyaasadda dalka.

“Waxaa ka go’an hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaalida inay horay u sii dhaqaaqaan. Waxaan ka mahad-celinayaa taageerada Qaramada Midoobay ay ka geysaneyso arrimaha Soomaaliya. Salaan iyo mahadnaq gaar ah iga gaarsii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo dhab ahaantii intii uu xilka hayey si dhow ula socday arrimaha Soomaaliya’’.

Kaaliyaha Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha amniga, Peter Thomas Drennan , oo isna kulanka ka hadley ayaa sheegay inuu laba sanno ka hor Muqdisho yimid, iska markaana uu qirayo inuu jiro horumar lagu tallaabsadey oo u baahan in la sii adkeeyo.

Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo, siina xoojiso wadashaqeynta iyo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michael Keating iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

———————————DHAMMAAD————————-

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online