Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Gaalkacyo

October 7, 2016 - Written by Editor

xassanMuqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar kale sii micno darro ah loo daadiyo dhiiga shacabka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo laba kooxood oo iska soo horjeeda ay ku dagaalamayaan.

‘’Waxaan ku baaqayaa in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Gaalkacyo, wixii khilaafaad ee jirana wadahadal lagu dhammeeyo. Soomaaliya uma baahna colaad kale iyo dhiig micno la’aan loo daadiyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dib u heshiisiin iyo adkeynta dowladnimadeeda, gaar ahaan doorashooyinka dhowaan dhacaya, loona baahan yahay in laga fogaado wixii hannaankaasi carqaladeynaya.

“Soomaaliya waxay mareysaa marxalad xasaasi ah oo biseylka dowladnimadeena lagu qiimeynayo, waana nasiib darro in iyadoo la wadahali karo qori caaraddiisa xal lagu raadiyo. Ma aqbali karno in shacabka loo horseedo colaado hor leh oo qaranimadeena burburin kara’’.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug inay deg-deg gacan uga geystaan joojinta colaadda jirta, isagoo mar kalena xusuusiyay shacabka Soomaaliyeed inuu dhammaaday waqtigii isla xisaabtan la’aanta, lalana xisaabtami doono cid kasta oo carqaladeyneysa amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

————————DHAMMAAD———————

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online