Madaxweynaha Puntland oo kulan sagootin ah la qaatay Ambassador Michael Carvone (Masawiro)

October 13, 2016 - Written by Editor

img_8781Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 October, 2016-ka Qasriga Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Michael  Carvone oo ay u dhammaatay muddo xileedkiisii afarta sanno ahayd ee uu joogey xafiiska.

Kulanka sagootinta Ambassadorka ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Maxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf, waxaana looga hadlay kulanka intiisii badnayd wadashaqayntii ka dhexaysey dawladda Puntland iyo xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa Ambassadorka guddoonsiiyey hadiyado ka kooban waxyaabaha ay hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, iyadoona kulanka kadib ay Madaxweynaha iyo Ambassadorku si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen Madaxtooyada.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Michael Carvone uu muddadii 4-ta sanno ahayd ee uu xilka hayey uu Midowga Yurub ka hirgeliyey Puntland mashaariic badan oo horumarineed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay wax badan ka qabteen.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in uu Ambassadorku ahaa shaqsi dedaal badan ku bixiyey horumarka Puntland iyo kan Soomaaliyaba muddadii uu xafiiska jooogey, sidoo kalena qayb weyn ka qaatay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu uga Mahadceliyey Ambassadorka mashaariicdaasi horumarineed ee uu ka fuliyey Puntland, isla waxa uu ugu hambalyeeyey shaqada cusub ee loo beddeli doono, isagoona Madaxweynuhu xusay in ay soo dhoweynayaan cidda kale oo loosoo magcaabi doono xafiiska Midoga Yurub ee Soomaaliya ayna ka filayaan saaxtinimo fiican iyo shaqo wanaag.

Dhinaca kale Ambassador Michael Carvone ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland uga Mahadceliyey sidii wanaagsanayd ee ay usoo wada shaqeeyeen muddadii uu xafiiska joogey, isagoona intaa ku daray in ay halkoodii kasii socon doonaan mashaariicdii horumarineed ee uu midowga Yurub ka fulinayey Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IY DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online