Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa hay’adda FAO Richard Trenched (Masawiro)

October 10, 2016 - Written by Editor

img_8713Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta 10 October, 2016 qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya Richard  Trenched  iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Ujeeddada socdaalka masuulkaan ayaa daarranayd in ay hay’adda FAO kasoo jawaabto Baaqii Madaxweynaha dawladda Puntland ee ku aaddanaa in ay beesha caalamku ka qayb qaadato abaaraha baahsan ee kajira Puntland.

Sidoo Madaxweynaha iyo Richard  Trenched waxa ay kawada hadleen sidii ay hay’adda FAO dawladda ugala shaqayn lahayd la tacaalidda iyo daaweynta xoolaha Puntland ee ay abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ay lasoo derseen xaalado isugu jira cudurro iyo macaluul baahsan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu uga soo jawaabey baaqii Madaxweynaha ee la xiriirey ka qayb qaadashada abaaraha dabada dheeraaday ee ka jira Puntland iyadoona uu madaxweynuhu intaasi ku daray in hay’adda FAO ay tusaale wanaagsan  u noqon doonto hay’adaha kale ee ka hawl-gala Puntland.

Sidoo kale  Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay dawladda Puntland soo dhoweyneyso cidwalba oo doonaysa in ay ka qayb qaadato gurmadka abaaraha saameeyey dadkii iyo duunyadiiba, kuwaas oo u muuqda kuwo ka awood weyn dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online