Madaxweyne Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey Carmo booqdayna wadada ceel-daahir Ceergaabo (Masawiro)

October 27, 2016 - Written by Editor

img_05401Carmo:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta 27 october 2016 waxaa si diiran  loogu soo dhoweyey degmada Carmo oo kamida ah degmooyinka  gobolka Bari, sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhoweyn kala kulmay bulshada ku dhaqan degaanka ceel-daahir waxuuna soo kormeeray mashruuca dhismaha wadada ceel-daahir Ceergaabo oo maraya bilow wanaagsan.

Soo dhoweynta Madaxweynaha  iyo weftigiisa ee loogu sameeyey degmada Carmo ayaa waxaa ka qayb qaatay Maamulka Gobolka Bari, maamulka degmada Carmo, masuuliyiin  ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, qaar ka mid ah issimada Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Carmo iyo saraakiisha ciidamada Puntland.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo dhexlugeeyey degmada Carmo ayaa siwada jira u salaamay bulshada degmada Carmo ee ka qayb qaatay soo dhoweytiisa, waxaana dad weynaha ka muuqdey shucuur ka turjumaysa sida ay ugu farax sanaayeen booqashada madaxweynaha iyo wefdigiisa ee degmada Carmo.

Kadib soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha ee Carmo ayaa kulan ballaaran oo ay isku arkeen bulshada Degmada Carmo iyo Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa lagu qabtay xarunta Tababarada Booliska Soomaaliyeed ee Carmo, kulankaas oo ay ka qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Carmo.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kudbad muhiim ah ka jeediyay kulanka ayaa bulshada Degmada Carmo uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa Degmada Carmo/ oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Bari.

Madaxweynaha oo la hadlayay bulshadii kulanka ka qayb gashay ayaa sheegay in ujeedka safarkiisu uu salka ku hayo sidii loo sii anba qaadi lahaa xiriirka wanaagsan ee ay bulshada Degmada Carmo la leeyihiin Dawladdooda Puntland.

” Aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa dadka reer carmo ee wadaniyiinta dhabta ah soo dhoweynta diirran ee ay noogu sameeyeen Degmada Carmo, waxaana ku amaanayaa sida wanaagsan ee ay ugu howlan yihiin ka qayb galka horumarka Puntland, haddii alle idmo waqti badan ayaan ku qaadan doonaa degmada Carmo waana ku hoyan doonaa caawa, inagoo su guud iyo si gaar ahba isu waraysan doona, Soomaaliya ha midowdo, Puntland ha israacdo, Bulshada Carmo ha guulaysteen” ayuu yiri Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online