Madaxweyne ninku waa asaaggaa ee iska dhici !W/Q Sh Axmed Cabdisamad

October 11, 2016 - Written by Editor

Sh. Axmed CabdisamadBoosaaso:-Dalka iyo dadka waxaa soo maray hoggaan taladii ummadda marooqsaday oo la oran jirey qabqablayaal, waxayna isugu jireen saraakiil ciidan, hoggaamiyeyaal jabhadeed, dagaalgaliyeyaal beeleed, niman rayid ah oo maalkii iyo madaxnimadii la gashay qabqablenimo, iyo tuugo waaweyn oo shaqadoodii loo sharciyeeyey.

Hoggaamiyeyaashaas iyo mooryaantii ay wateen intay shacabka xasuuqa iyo qixinta ku wadeen waxaa la dheeraysanayey maalinta ay dalka iyo dadka u talin doonaan dad ikhyaar ah oo aqoonyahan ah, dagaalkii ehliga ahaana aan ku wasakhoobin. Ilaahay wuxuu qadaray inay maalintaasi timid oo hoggaanka dowladda Federalka iyo dawladaha maxalliga ahba uu gacanta u galay rag tilmaamihii la sugayey leh, waxaase bulshadii yaab ku noqotay in dagaaladii sokeeye sidii u sii socdaan, hadaladii qabqablayaashu is oran jireen ama dad weynaha ku oran jireena aan waxba iska badalin. Haddaba aynu isweydiino sababaha ku xambaaray raggii aqoonyahanka ahaa ee talada dalka qabtay inay hadal iyo ficilba u ekaadaan qabqablayaashii?.

Ugu horrayn waxaa la yiri: ninka aqoonyahanka ah saqafka bulshadiisa ma dhaafi karo oo hadduu madaxa kor ula bax damco saanqaafka aqooneed iyo wacyi ee bulshadiisu harsanayso ayaa hoos u soo celinaya.

Tan labaad dadka ugu badan ee madaxda u taga waa dad dano gaar ah ka leh, dadka ka hoos shaqeeya iyo xigtadooda. Seddexduba inta badan waxay madaxdu jeceshahay ayay u sheegaan hadday doonaan iyaguna xoogaa haku darsadeene, arrintaasna madaxdu way macaansataa oo ciddii wax ka duwan u sheegta ma jecla, taasna waxay keenaysaa inay xaqiiqada dalka iyo dadka ka jirta ka indha-saabnaadaan, ayna wax ku arkaan ookiyaalaha dadka gaarka ugu warama.

Tan seddexaad madaxdu shacabka ma dhex gasho oo meel gaara ayay ku xabbisan yihiin, ma raacaan gawaarida dadweynaha, kama cunteeyaan maqaaxiyaha shacabka, kuma tukadaan masaajida magaalada, mana fariistaan meelaha dadweynuhu isugu yimaado, taasna waxay keenaysaa dadka in war looga keeno mooyee inaysan wax kale ka ogaan.

Tan afraad raggaan madaxda ah dagaal-oogeyaal maaha, inta badana ma jecla inay colaado kiciyaan laakiin waxaa jira niman siyaasiyiin ah oo madaxweynayaasha iyo maamuladooda mucaarad ku ah, una dhashay deegaanka ama beesha oo shaqo ka dhigtay inay madaxda wax ka sheegaan, dadweynahana ku kacshaan, waxayna eeganayaan khaladka ay galaan. Hadday khalad u waayaana iyagaa u samaynaya.

Meelaha mucaaradku ka galaan madaxweynayaasha waxaa ka mid ah inay ku eedeeyaan jileec, fulaynimo iyo in aanu rag iska dhicin Karin. Hadalada loo tabinayo waxaa ka mid ah: muxuu ka baqayaa, ma uurka hooyadiis baa lugu ciilay, goormaa laga adkaan jirey, xaggee ka baqaysaa iwm. Taas waxay ku keentaa madaxda inay rag iska dhigaan oo hanjabaad iyo gooddi carrada ku rogaan ama ay ka indha-laabtaan dagaal ay joojin karaan ama ayba aakhirka dhiirrigaliyaan!.

Tan shanaad ummaduhu waxay u noolyihiin, u fakaraan, una shaqaystaan xaqiijinta danohooda, meel kasta iyo cid walba oo dantoodu gashana way uga dabatagaan ilaa ay ka soo xaqiijiyaan. Waxaa jirta fikrad caqli iyo cilmi ku dhisan oo oranaysa: aynu wada faa’iidno oo aynu ka digtoonaano in aynu wada khasaarno ama midkeen khasaaro.

Halka dadkeenu uu leeyahay dhaqan la yiraahdo “ dhagax hadduu cirka ka soo daato meeshaad ka gashid baan ka galayaa!” . Isaga oo og inay dhibaatada oo dhan ka wada badbaadi karaan, ayna wada macaashi karaan ayuu dooranayaa inuu isagu 100% khasaaro; si uu nin kale 10% u khasaariyo!. Wuxuu u noolyahay inuu ninkaas ama qabiilkaas ama kooxdaas dhibo ee qorshaha uguma jirto isaga dantiisu iyo xataa danta dadka uu ka dhashay. Marka fakarkaas madaxweyanaha oo aan saqafka bulshadiisa dhaafi Karin iyo inta ku xeeranba dhaqankaan kama marna, mawaaqiftooda iyo hadaladoodana wuu ka muuqanayaa.

Haddaba maxaa xal ah?:

a) Seddexda qolo ee madaxweynayaasha ku xeeran (team-ka la shaqeeya, xigtadiisa iyo dadka danuhu isu geeyeen) waa inay fahmaan in guusha madaxweynuhu guushoodii tahay, magac-xumada iyo fashalka ku yimaadana uu iyagoo dhan saamaynayo gaar ahaan xigtadiisa, loona baahanyahay in madaxweynaha iyo ummaddaba daacad loo noqdo, loona hagarboxo ee aan la isugu darin ku danaysi iyo marinhabaabin.

b) Madaxweynaha laftiisa waxaa la gudboon in uu raciyadiisa xaaladeeda hoos u ogaado oo dhexgalo, isla markaasna uusan ku kaaftoomin xogta iyo talada inta ku xeeran ee uu raadsado oo si gaar gaar ah iyo si wadajir ahba u waraysto, ulana tashado dadka lugu yaqaan aqoonta, khibrada, daacadnimada iyo xog-ogaalnimada isaga oo qadiyad walba wax ka weydiinaya dad daacad ka noqon kara oo aan ku danaysanayn.

c) In xulka bulshadu xil iska saaraan u waramida, la talinta iyo dhiirrigalinta madaxda, dadka ku xeerana ay wacyigalin iyo dhiirrigalinba isugu daraan; si ay u noqdaan la taliyeyaal naasix ah.

d) In madaxweynayaashu ka baxaan daasada ama sunduuqa ay ku dhex jiraan, kuna dhex fakarayaan oo ay u baxaan hawada furan bannaanka waasica ah oo waxa fog iyo waxa dhawba laga arki karo, ayna fahmaan in weelba waxa ku jira ka soo dhiimaan oo bulshadaan gaar ahaan dadka ku xeerani ay u soo gudbinayaan wxii ku jiray uun.

e) In aysan madaxweynayaashu aqbalin hisqabo iyo caqliga geeljiraha ee ah lagdama, kiinee adag, sanka ka taabo, aabbahaa waranka gaalaad ka bixi, wuu baqay, waa laga adkaaday iwm ee ay noqdaan dad u qalma xilka weyn ee saaran iyo magaca ay huwanyihiin. Tan kale madaxda looma soo dooran inay dadka dagaal galiyaan ee waxaa loo doortay inay ummadda danteeda ka shaqeeyaan gaar ahaan deegaanada ama qabiilka ay madaxda u yihiin. Siyaasiyiinta mucaaradka ahna waxaa la gudboon inay madaxweynayaasha si kale u mucaaradaan ee ay ka daayaan car-wirta iyo foorjaynta.

f) In madaxweynayaashu garawsadaan in dagaalku yahay waxyaabaha ugu dambeeya ee danaha ummadda lugu xaqiijiyo. Tusaale ahaan gaashgaanbuurihii NATO iyo Warso waxaa dagaalkii qaboobaa ka dhex socday nus qarni ku dhawaad ilaa shuuciyadii burburtay iyadoon hal xabbad la isku ridin.

g) Hadalka qallafsan, faanka, quursiga, hanjabaada iyo dicaayada iyo gardaradu waa waxyaabaha ugu badan ee dadka walaalaha ah isku dira, cuqdadahana beera ee waa in la wada joojiyo oo gaar ahaan madaxda ummaddu ka hufnaadaan.

h) Oran mayno shifo lagala quusay ee Ilaahay ha loo baryo, hana loo hagarboxo wacyigalinta dadweynahaan maalin walba la isku didinayo oo sidii baalkaa-biyihii dabka ugu daadayana.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online