Maxaa ka Jira wararka Sheegaya in koox ka tirsan Daacish ay qabsadeen degmada Qandala

October 26, 2016 - Written by Editor

img_6817Boosaaso:-Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed ayaa sheegay saaka in Maleeshiyaad ka tirsan daacish aysaaka arroortii qabsadeen degmada Qandala oo ka tirsan gobolka barri Degmada ayaa waxaa ay u jirtaa 78KM magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland .

Halgan.net ayaa horey u sheegtay in koox yar oo ilaalo u ah C/qaadir Muumin ay in mudo ah ku sugnaa deegaan Timirshe oo aan sidaa uga fogeyn Degmada Qandala.

C/qaadr Muumin ayaa waxaa ay Al-Shabaab ka soo bursadeen Deegaanka Galgala ka dib markii ay ku dagaalameen buuraha Galgala Daacish iyo AL-Shabaab waxaana deegaanka Galgala la wareegay ciidamo ka tirsan Puntland oo ilaa haatan ku sugan.

Maleeshiyaadka uu wato C/qaadir Muumin ayaa gaaraya  70 askari waxaana uu deegaan ahaan ka soo jeedaa Degmada Qandala .

Maleeshiyaadka uu horkacayo C/qaadir Muumin ayaa waxaa Dadka ku sugan degmaada sheegeen in ay malesshiyaadkaan qayb ka tirsan saaka u soo gudbeen dhanka xeebta kuwaasoo xanibay dad kaluumeysato ah.

Dowlada Puntland ayaa horey u ogeyd joogitaanka Maleeshiyaadka Daacish sheegta kuwaas oo uu wato C/qaadir Muumin iyadoo wax talaabo ah ka qaadin.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Puntland ay u jiheysteen Degmada Qandala kuwaas oo laba jiho ka aaday Degmada .

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online