Puntland iyo Gal-Mudug oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Gaalkacyo.[Dhagayso]

October 7, 2016 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka uu dagaal ka qarxay dhinaca koonfureed ee magaalada Galkacyo. Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamo la sheegay in ay kala taabacsan yihiin Gal- Mudug iyo Puntland. Dagaalka ayaa inta badan ka dhacay duleedka magaalada, iyadoo dhawaaqa rasaastana laga maqlayay xaafaddaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka oo saacdo socday balse hadda istaagay ayaan la kala caddeyn karin khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale, ma cadda sida uu ku billowday dagaalkan iyo waxa sababay balse labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu rasasata bilaabay. Puntland ayaa ku doodday in ciidammo ka tirsan Gal-Mudug ay soo weerareen meel laga dhisayo maxjarka xoolaha ee magaalada Gaalkacyo.

Balse Duqa magaalada Gaalkacyo ee mamulka Gal-Mudug, Xirsi Yusuf Bare ayaa BBC-da u sheegay in Puntland ay dagaalku billowday, ciidammo dheeraad ahna geysay galbeedka Gaalkacyo. Xirsi wuxuu intaasi ku daray in dedaal lagu doonayay in khilaafka ku saabsan lahaanshaha dhulka laga dhisayo maxjarka ay diiday Puntland oo door biday buu yiri inay isku dayaan inay xoog ku qaataan dhulkaasi.

Hoos ka Dhagayso Puntland iyo Galmudug oo ka hadlay Dagaal saaka ka dhacay Gaalkacyo.

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2016/10/bbcgalmudg-pl.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Source: BBC

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online