Wafdi ka socda Qaramada Midoobe oo la kulmay Madaxweynaha Puntland.[Masawiro]

October 6, 2016 - Written by Editor

img_8680Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 October, 2016 qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michael Keating.

Ujeeddad Socdaalka wafdigaan ayaa ahayd in ay u kuur galaan xaaladda geeddi socodka doorashooyinka dadban ee dalka Soomaaliya ka qabsoomi doona, kuwaas oo uu diyaar garowgoodu ka soconayo guu ahaa dalka Soomaaliya.

Kadib markii uu soo dhammaaday kulan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweynaha iyo wafdigaasi uu hoggaaminayey Ambassador Keating ayay si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id oo ay kula hadlayeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyagoona, iyagoona uga warbixiyey ujeedada kulankooda iyo waxyaabihi ay uga wada hadleen.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa saxaafadda u sheegay in ujeedka ugu weyn ee socdaalka wafdigaani uu salka ku hayey in ay beesha caalamku si dhow ula socoto halka ay marayaan arrimaha la xiriira hirgelinta doorashooyinka iyo in ay dawladda Puntland usoo gudbiyaan aragtida beesha caalamka ee la xiriirta qabsoomidda doorashooyinka dadban.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Danjiraha-ka kawada hadleen arrimaha la xiriira dhaqaalaha ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka iyo sidii loo ilaalin lahaa waqtiga yar ee dhiman loogana fogaan lahaa in markale uu doorashooyinka ku yimaaddo dib u dhac.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay dawladda Puntland mar walba diyaar u tahay in si dhab ah loo fuliyo dhammaan qodobbadii ay madashu ku heshiisey ee loogu gogol xaarayey in doorashadu ay si habsami leh uga qabsoonto xarumaha dawladaha xubnaha ah dawladda Federaalka.

Dhinaca kale Ambassador Michael Keating ayaa dawladda Puntland ku bogaadiyey dedaalkeeda ay ugu jirto sidii ay dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyin ay dadka Soomaaliyeed kuwada qanacsan yihiin isagoona hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in qoondada haweenka sidii loogu heshiiyey loo fuliyo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online