Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle oo lagu dhaariyey magaalada Jowhar

October 9, 2016 - Written by Editor

Breaking-NewsJowhar:-War goor dhow naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in lagu dhaariyay Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Hirshabeelle waxaana xaflada dhaarinta goobjoog ka ah wasiirka arimaha gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)iyo Mas’uuliyiin ka socoda IGAD.

Dhaarinta xildhibaanada Maamulka Maamulka Hirshabeelle kadib ayaa waxaa goobta hadal kooban ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana uu xildhibaanada cusub uu kula dar daarmay in ay daacad u noqdaan Maamulkooda lana yimaadaan shaqo hufan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu ka kooban yahay gobalada Hiiraan iyo Jowhar waxaana xildhibaanada ay gaarayaan 73 xildhibaan waxaana jira khilaaf xoogan oo dhexeeya DFS iyo siyaasiyiin iyo Odayaal ka jeeda gobalka hiiraan iyo jowhar kuwaas oo saluugsan qaabka ay DFS u wado sameynta Maamulka Hirshabeelle .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online