Bayaan ku socda colaadda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug

November 1, 2016 - Written by Editor

بسم الله والحمد لله وصلى الله وسلم على رسول اللهBayaan Culumada iyo ducaada reer UK waxay ka soo saareen xal u helida colaadda soo noqnoqotay ee magaalada Gaalkacyo baaqan soo socda:

1. Waxaan ugu baaqeynaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed cabsida Ilaahay iyo in ay ku camalfalaan diinta Alle subaxanahu watacaalaa.

2. Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo inay aqbalaan Xabad joojin aan shuruud lahayn iyo inay si walaaltinimo, Muslimnimo iyo caqli ku salaysan uga wada hadlaan wixii la isku hayo.

3. Waxaan ugu baaqaynaa inay fahmaan in aan dagaalka sokeeye faa’iido iyo guul midna lagu gaarayn islamarkaana ay khasab tahay in wadahadal iyo isku kalsooni lagu gaari karo xallinta wixii la isku hayo.

4. Waxaan ayidaynaa Allahna uga baryaynaa inuu garabkooda galo dadaalada ay wadaan Culumada, odayaasha iyo dhamaan waxgaradka u istaagay sidii colaadaas lagu soo afjari lahaa.

5. Waxaan ugu baaqaynaa reer Gaalkacyo In la joojiyo waxyaabaha colaada sii hurinaya sida dacaayadaha, isku hanjabaada,digashada iyo dhammaan hadallada xanbaarsan colaadda iyo karaahiyada.

6. Waxaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta Afka Soomaaliga ah ku hadasha ama wax ku qorta ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo colaadaas sii hurin kara ayna ka qayb qaataan nabadaynta dadkaas Muslimka, dariska iyo walaalaha ah ee fitnadu soo kala dhex gashay.

7. waxaan ugu baaqaynaa Jaaliyadaha dibedda ee Reer Gaalkacyo inay si lixaad leh uga qayb qaataan nabadaynta iyo xallinta dhibaatada gobolka ayna ka fogaadaan inay colaadda sii huriyaan ama kaga qaybqaataan cod ama dhaqaale.

Culimada iyo ducaada Soosaaray bayaankan:

1. Dr. sh. Axmed Daahir Aweys.
2. Dr. sh. Cabdirisaaq Maxamuud Takar.
3. Dr. sh. Cusmaan Cali Faarax.
4. Dr. Cabdulqadir Axmed Nur(Jaziira).
5. Dr. Faarax Sheekh Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan.
6. Prof. Cabdirisaaq Hiirad Maxamed
7. Sh. Cabdinuur Weerar
8. Sh. Cabdifataax Sahal.
9. Dr.sh Cabdibasit Ibrahim Maylow.
10. Sh. Cabdisalaam Sh. Cali Suufi.
11. Sh. Ismaaciil Bootaan.
12. Sh. Cusmaan Xaaji Yusuf (Usuuli).
13. Sh. Saciid Maxamed Ducaale (faaruuq).
14. Sh. Cabdulqadir Cali Canbe.
15. Sh. Faysal Shire.
16. Sh. Cabdiqani Fiidow.
17. Sh. Cabdikarim Xuseen Axmed.
18. Sh. Yaziid Murshid Maxamed.
19. Sh. Cabdiraxmaan M. Jama.
20. Sh. Khalif Farax Warsame.
21. Sh. Ibraahim Macallim Maxamed.
22. Sh. Cabdiraxmaan M. Warsame.
23. Sh. Cabdullahi Xaashi Khayre.
24. Sh. Maxamed Fakhrudiin.
25. Sh. Xassan Cabdullahi Urur.
26. Sh. Cabdullahi Cawaale.
27. Sh. Cabdisamad Cabdulle Cusmaan (xoday).
28. Sh. Axmed Sh. Jibril.
29. Sh. Suleymaan Cige
30. Sh. Maxamuud Maxamed Ciise.
31. Macallim Saciid Adam Goley.

———–DHAMAAD——————-

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online