Donald Trump oo ku guuleystay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Mareykank

November 9, 2016 - Written by Editor

bc778fb3-c189-4b45-a7b3-1faac6f3c982_w987_r1_sDonald Trump ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka kadib guul aan marnaba laa saadaalin oo uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay, sidaasi waxaa qortay wakaaladda wararka ee AP iyo warbaahinaha kale ee Maraykanka.

Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka adkaaday musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton oo dad badan ay saadaalinayeen inay guuleysan doonto.

Trump waxa uu helay ilaa xilligan codadka la tiriyey 276 taasi oo ka badan dhibcihii loo baahnaa si loogu guulaysto madaxweynennimada.

Telefiishanka CNN ayaa sidoo kale tebiyey in Hillary Clinton ay wacday Donald Trump ayna u qiratay in laga adkaaday.

Trump ayaa ku guuleystay inta badan gobolladii muhiimka ahee ee loolanka adag uu ka taagnaa sida Florida, Ohio, Iowa, Wisconsin iyo North Carolina.

Hase yeeshee arrinta yaabka leh ayaa noqotay in Trump uu sidoo kale ku guuleystay gobollo aan ku dhowaad 30 sano uusan ku guuleysan musharax ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, sida Pennsylvania iyo Wisconsin.

Donald Trump oo ah maal qabeen, ayaa helay in ka badan 270-ka Codadka loo yaqaan Electoral College ee ah ergada u codeysa madaxweynaha.

Guusha Trump oo 70 jir ah ayaa doorashadiisan ay dad badan lama filaan ku noqotay, maadaama khubrada siyaasadda iyo codadka ra’yiga ee la uruuriyo ay saadaaliyeen inuu haysto wax ka yar 10% fursad ah.

Trump ayaa xafiiska la wareegi doona 20-ka bisha January ee 2017-ka.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online