Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating oo gaaray magaalada Boosaaso

November 7, 2016 - Written by Editor

525661Keating_SomaliaBoosaaso:-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,waxaana la filayaa in uu kulan gaar ah la qaato Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas. Wafdiga uu hogaamnayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa waxaa uu madaxda Puntland ka waa hadli doonaan Arrimaha Doorashooyinka 2016 , Abaaraha ka jira Degaanada Puntland iyo weliba colaada iy dagaalka ka aloosan magaalada Gaalkacyo oo u dhexeeya Puntland iyo Gal-Mudug.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa maalmo ka hor sheegay in beesha caalamka oo faraha kula jirta arrimaha Soomaaliya ay ka walaacsan yihiin in doorashadu ay dib u dhacdo mar kale taas oo niyad jab ku keeni karta dowladdaha saaxiibka la ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating iyo safiiro ka howl gala magalada Muqisho ayaa lagu eedeeyey in ay ka shaqaynayaan colaadaha ka aloosan Soomaaliya gaar ahan magaalada Gaalacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyadoo arrinkaas ay kala shaqaynayaan siyaasiyiin Soomaali ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online