Gudiga doorashada dadban oo war kasoo saaray rabsahado gacan ka hadal ah oo ka dhacday Jowhar.

November 19, 2016 - Written by Editor

doorashoyinka-324x235Muqdisho:-Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxuu aad uga walaacsan yahay rabsahadaha gacan ka hadalka ah ee ka dhacay xarunta doorashada ee Hirshabeelle /Jowhar oo xalay oo ay taariikhdu tahay 18/11/2016, iyada oo ay socotay codeeynta doorashada kursiga Beesha Jidle/ Gugundhabe. Guddigu si adag ayuu u cambaareynayaa rabshadahii hubeysanaa, isagoo u rajeynaya muwaadiniinta waxyeeladu kasoo gaartay bogsiimo deg deg ah.

Haddaba, Guddiga oo muhiimad gaar ah siinaya amniga Deegaan Doorashada Hirshabeelle/ Jowhar, gaar ahaan amniga Guddiyada Doorashooyinka, Ergada iyo Musharaxiinta, waxuu shaacinayaa in si ku meel gaar ah loo hakiyay qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman ee Golaha shacabka ee Jowhar ka dhici laheyd.

Guddiga Federaalkan Hirgelinta Doorashada Dadban waxuu ka codsanayaa madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka Dadban in ay qiimeyn iyo dib u eegid ku sameeyaan qorshaha suggidda amniga ee deegaan doorashada guud ahaan iyo gaar ahaan xarunta doorashooyinka Hirshabeelle. Waxaa doorashooyinka dib loo billaabayaa marka ay Guudiga Amniga Doorashooyinka ay soo jeediyaan in dib loo bilaabo codbixinta, iyagoo xoojinaya amniga deegaan doorashada Hirshabeelle.

——–DHAMAAD——-

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online