Gal-Mudug iyo Puntland oo kala qaaday ciidamadood.[Masawiro]

November 18, 2016 - Written by Editor

img_9964Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubnihii guddiga ee loo xilsaaray soo afjaridda colaadda Gaalkacayo ayaa maanta gelinkii danbe 18 November, 2016 waxay ku guulaysteen in xabad joojin rasmi ah laga gaaro dagaaladii ka socday magaalada Gaalkacayo isla markaana ciidanka labada dhinac lakala durkiyo, iyadoo lasii anba qaadi doono wada hadalada ku salaysan xallinta khilaafaadka ka dhex jira bulshada magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland, masuuliyiin ka mid ah golayaasha Dawladda Puntland, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha mamulka Gal-mudug, masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay tageen oo shir jaraa’id ku qabteen goobihii ay dagaaladu ka socdeen ayna isku hor fadhiyeen labada ciidan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay guddiyadii labada dhinac ee howsha kaalin weyn ka geystay, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay u socdaan shirarka nabadaynta magaalada Gaalkacayo isla markaana ay muhiim tahay in ay dhamaato colaadda magaalada ka jirta.

” Waan ku faraxsanahay in maanta aan joogno goobihii uu dagaalku ka socday isla markaana aan ku guulaysano in la gaaro xabad joojin rasmi ah sidoo kalena ciidamada lakala durkiyo, cidkasta oo arrintaas gacan ka geysatayna waan u mahad naqaynaa, waxaan rajaynaynaa in colaadda Gaalkacayo ay dhamaato, dadka ehelka ee walaalaha ahna ay helaan xal iyo nabad waarta, wada hadalada jira waqtigana ma joogsan doonaan balse way sii socon doonaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa dhankiisa sheegay in hore loo qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xallinayo colaadda magaalada Gaalkacayo “runtii waan ku faraxsanahay in aan maanta joogno goobtii dagaalku ka socday isla markaana ciidankii labada dhinac lakala qaaday, waana ku rajo weynahay inta harsan in lasii dhamaystiri doono” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Gal-mudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay in guusha laga gaaray colaadda Gaalkacayo ay tahay mid la wada sugayey ” guusha aynu ka gaarnay colaadda Gaalkacayo waynu wada sugaynay waana ku faraxsanahay in aan ciidankii kala qaadnay, ciidamada labada dhinac waxaa waajib ku ah inay fuliyaan wax kasta oo looga heshiiyo colaadda magalada Gaalkacayo” ayuu yiri Madaxweynaha Gal-mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo dhamaan masuuliyiinta kale ayaa bulshadii labada dhinac ee ka qaxay magaalada ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan magaalada isla markaana ay ku kalsoonaadaan wada hadalada socda ee lagu xallinayo colaadda magaalada Gaalkacayo.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mudooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa dedaal dheer u galay sidii loo soo afjari lahaa colaadda ka aloosan magaalada, isagoo guul la taaban karo ka gaaray in lakala durkiyo ciidamada labada dhinac, xabad joojin rasmi ahna la gaaro.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online