Madaxweyne Gaas iyo wefdi uu Hogaaminayo oo Lagu Soo Dhoweeyey Gobolada Karkaar iyo Nugaal.(Masawiro)

November 9, 2016 - Written by Editor

img_3340Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo oo hawlo shaqo ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta isla markaana maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta 09 Nov, 2016  dib ugu laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, soo dhoweynta madaxweynaha iyo weftigiisa ee degmada Qardho ayaa waxaa ka qayb galay  maamulka gobolka karkaar iyo kan degmada Qardho, Isimo, cuqaal, waxgarad, ururada haweenka iyo dhalin yarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Qardho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intuu uu ku sugnaa degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxa uu xariga ka jaray  dhismaha cusub ee maamulka gobolka karkaar oo uu hore Madaxweynuhu u dhagax dhigay 05 January 2016 .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ku amaanay sida ay heegan ugu yihiin horumarinta gobolka iyo degmada, wuxuuna bulshada Qardho ku adkeeyey inay ilaashaadaan mashaariicda horumarineed ee Gobolka laga hirgeliyay.

” Waan ku farax sanahay inaan ka soo qayb galo munaasibada furitaanka xarunta Gobolka Karkaar waana guul u soo hoyatey guud ahaan Puntland gaar ahaan Gobolka Karkaar,                                                   waxayna qayb ka tahay tallaabooyinka isku tashiga ee ay wadaan Dawladda Puntland iyo shacabkeedu, aad baan uga mahad naqayaa gudoomiyaha Gobolka iyo kan degmada Qardho shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan , waxaan idinku dhiiri gelinaynaa inaad halkaa kasii wadaan shaqada wanaagsan ee aad u haysaan dalkiina iyo dadkiinaba” ayuu yiri madaxweynaha dawllada Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xariga ka jaray wado muhiim ah oo lagu hirgeliyay isku tashiga iyo iskaashiga haweenka degmada Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu ku amaanay haweenka degmada Qardho sida ay ugu heelan yihiin horumarka dalka iyo wanajinta bilicda degmada qardho.

Dhinaca kale madaxweynaha iyo weftigaiisa ayaa u soo kicitimay gobolka Nugaal waxaana  caasimada Dawladda puntland ee garoowe kusoo dhoweyey Maamulka Gobolka Nugaal iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA.WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online