Muasasada Al Raxma oo Ceel Riiga ka qoday tuulada Yaaqle ee gobolka Gedo (Masawiro)

November 14, 2016 - Written by Editor

img_3849Gedo:-Mu’asasada Al-rahma Foundation For Education and Development ayaa tuulada Yaaqle ee gobolka Gedo ka qoday ceel riig ah oo dhererkiisu yahay 210 MTR.

Tuulada ayaa ka mid ahayn meelaha ugu dadka badan uguna oonka badan gobolka Gedo, ayadoo ceelka ugu dhow uu yahay degmada Ceelcadde oo ujirta 40KM.

Dadka degan tuulada iyo deegaanka u dhow aad ayaa ugu duceeyey dhamaan intii ceelkaas ka qayb qaadatay, ayagoo sheegay inay deegaanka kasoo mareen daruufo oon iyo harraad oo aad u adag.

Qodista ceelkaan riigga ah ayaa qayb ka ah qorshaha Mu’asasada Al-raxma kudoonayso inay 10 Ceel oo riig ah iyo ceel gacmeedyo badan uga qoddo gobolka Gedo, oo kamid gobollada aan adeeg bulsho iyo ceelal kufilan helin, ayadoo dadka iyo duunyadooduba marar badan ugu dhamaadeen oon iyo harraad, qorshahaan oo bilowday dhamaadkii 2014 tii ayaa ilaa hadda mu’asasada waxaa usuuragashay inay qoddo labo ceel oo Riig ah iyo toban ceel gacmeed.

Tuulada Yaaqle waxay kamid ahayd meelihii mu’asasadu biyaha gurmadka gayn jirtay abaartii kudhufatay koofurta Somalia 2014 tii, ayadoo booyadda biyaha ah lagu gayn jiray 400$, maantana ay heleen biyo macaan oo guryahooda ka burqanaya.

Allaah subxaanahu watacaalaa ayaa mahad oo dhan iska leh, noo suura galiyay hawshaan naguna guuleeyey Ceelkaan iyo kuwii kahoreeyey, Mahadda Allaah kadib waxaan umahad celinaynaa dhamaan jaaliyadaha dalka iyo dibadda oo hirgelinta barnaamijkaan isku garab taagan si hagar la’aan ah waxaana ka codsanaynaa inay dhamaystirka hawshaan sii garab istaagaan.

Al-Rahma Foundation
Xafiiska Warfaafinta

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online