Nadwo Looga Hadlayey Xaaladaha abaareed iyo colaadeed oo lagu qabtay Boosaaso (Masawiro)

November 4, 2016 - Written by Editor

20161103_191738Boosaaso:-Habeenimadii Jimcada soo galaysay waxaa Masjidka Weyn Al- Rowda Boosaso Lagu Qabtay Nadwo Kooban oo aad Muhiim u ah . Nadawadaa oo ay qayb galeen Qaarka Mid ah Culimada ugu caansan Soomaaliyed ee ku sugan Gudaha Magaalada Boosaso ayaa Waxaan Lagaga Hadlayey xaaaladaha abaareed iyo colaadeed ee kaJira dalka Soomaaliya.
Culimadu Waxay Si gaar ah uga Hadleen Colaada ka Taagan Gobolka Mugud Gaar ahaan Magalada Gaalkcyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ugu Horreyn Waxaa Nadwada Furay Sheekh Faarax Cajab oo ka warbixiyey xaalada adag ee kajirta wadanka.
Sheikh Axmed Daahir Xasan oo kalmadii ugu horeysay jeediyey ayaa aad ugu dheeraadey xaalada abaaraha ee wadanka ka jirta Waxa uu Faafahin ka Bixiyey Abaarta Ka taagan Gobolada soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Sheekha Waxaa Hadalkisa ka mid ahaa” Waxaa nasoo gaaraysa iney jiraan Dad iyo Duunyo Cidla Looga Tegay ,Xoolihii intii Gaanaha ayaa labiila Waad Ogtihiin intee ayaa Xoola Labiili karaa Waxa Dhacaya Waa Wax Naxdin leh .”
Sheekhu Waxa uu Dadka Allah wax u dhiibay ka Codsaday iney dadka tabaalaysan gacanta aaney ka Laaban oo ay gargaar ufidiyaan .

Sidoo kale Sheekh Cabdiwaaxid oo Ka Mid ahaa Culimadii Nadwada kalmaadka ka soo jeediyey ayaa Hadaladiisii Waxaa ka Mid ahaa “ Macaasidii ayaa inna Ku Badatay Waxad Ogtihiin Haddii Macaasidu Badato in aan Roob la helayn” .


Sheekh Daahir aw Cabdi oo Ka Mid ah Culimada soomaaliyeed Kuwooda Ugu Caansan ayaa Ugu Damayntii Ummadda Soomaaliyeed Ugu Baaqay iney Joojiyaan Colaadda Sida Joogtada ah Uga Dhacaysa Gudaha Wadanka Gaar ahaan Tan Ka Socota Gaalkcyo .

Waxaa Hadaladiisa ka Mid ahaa “ Waxaan Ku Jirnaa Xaalad Adag Waxa Loo Baahan yahay inaan Allaah U toobad Keenno Rabbi inaan u Laabano , Raxmadda Waxaa Sababay iney Gadaal u Dhacdo Dunuubta aan Gelayno Waana layna Intixaamaya “

Sheekhu Waxaa uu Allaah Uga Baryey in Ummadda Soomaliyeed Dhexdooda islaaxiyo Raxmad Deg Deg ahna Siiyo .

Ugu danbayntii Culimada ayaa tilmaatay in gudigii abaaraha ee sanadkii hore lamagacaabay dib uhowl galayaan laguna soo aadinkaro wixii tabarucaad ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaaraha ku tabaaloobay.

Al-Minhaaj Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online