Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Soomaaliya oo ku baaqay in dadkii ka barakacay Gaalkacyo ay dib u laabtaan[Cod/Masawiro]]

November 18, 2016 - Written by Editor

15134553_693891520779072_44Gaalkacyo:-Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madax weynaha dowladda Puntland iyo Madaxweynaha Gal-Mudug ayaa maanta tegay goobaha furimaha ciidamada ee ku yaal galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug si loo kala qaado ciidamada.

Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo waxaana uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Odayaasha iyo siyaasyiinta ka soo kala jeeda Gal-Mudug  iyo Puntland isagoona kala hadlay in la dhaqan geliyo xabada joojin laga gaaray dagaalka Gaalkacyo.

Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha dowladda Puntland iyo Madaxweynaha Gal-Mudug iyo Saraakiil ka tirsan labada dhinac ayaa s wada jir ah u tegi doona goobaha ay ciidanku isku horfadhiyeen ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo waxaan ay si rasmi ah u kala qaadi doonaan ciidamada iyagoo loo astayn doono goobo gaar ah.

Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka codsaday Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha dowladda Puntland iyo Madaxweynaha Gal-Mudug in ay fuliyaan heshiiskii lagu gaaray dalka Imaaraadka Carabta iyo Gaalkacyo ayna amar ku siiyaan Taliyaasha ciidanka in aan dagaal danbe ka dhicin magaalad Gaalkacyo.

Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo la hadlay warbaahinta marki uu tegay goobaha ay ciidanka Gal-Mudug iyo Puntland ay isku horfadhiyaan waxaa uu ku baaqay in ay dib u soo laabtaan dadkii ka qaxay Gaalkacyo maadaam ciidamada puntland iyo Gal-Mudug la kala durkiyey.

Hoos ka Dhagayso Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku baaqay in dadkii ka barakacay Gaalkacyo ay dib u laabtaan

Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online