Agaasimaha guud ee madaxtooyada Boosaaso oo lagu dilay magaalada Boosaaso

December 20, 2016 - Written by Editor

aadanBoosaaso:-Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ku dilay agaasimaha guud ee madaxtooyada Boosaaso Aadan Gaas xili uu ku sugnaa meel aan saas uga fogeyn Hoteelka Haruuse.

Dilka Agaasimaha ayaa ku soo beegmaya xili kooxda Al-Shabaab ay maalmo ku hor ku dilay magaalada Boosaso taliye ku xigeenkii 3aad ee ciidanka Booliska Puntland oo u dhintay dhaawac ay gaarsiiyeen ,

Kooxda Al-shabaab ayaa in mudo ah waxaa dagaal kala dhexeeyaa Ciidamada Puntland oo dagaalo kale duwan ay ku dhexmareen Buuraha Golis iyo deegaanada Suuj ,Garmaal ,Kulub  iyo Garacad oo ciidamada Al-shabaab looga qabtay maxaabiis gaaraysay ilaa 100 ku dhawaad.

Kooxaha Amniyaadka Al-shabaab ayaa maalmahaan dib u bilaabay dilal gaadmo oo aargoosi ah oo ay ku beegsanayaan shaqaalaha iyo Masuuliinta Puntland ee ku sugan deegaanada nabada ah gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Boosaaso.

Dhanka kale kooxda Daacish ayaa waxaa ay ciidamada Puntland ku jabiyeen dagaal saf balaaran ah oo ay ku qaadeen Degmada Qandala iyo Buuraleyda ku xeeran kuwaas oo u kala firxaday deegaanada fog ee gobalka Bari.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online