Ciidamada dowladda Puntland oo la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala

December 7, 2016 - Written by Editor

timthumb-4Boosaaso:-Ciidamada dowladda Puntland ayaa saaka la wareegay gacanta ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari ka dib markii ay howl galo ay ka wadeen degaamada ku xeeran degmada Qandala ay soo afmeereen. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta saxaafadda loo qaaday degmada Qandala si ay uga qayb galaan shir jaraa’d oo ay saraakiisha ciidanka Puntland iyo gudoomiyaha Gobolka Bari ay ku qaban doonaa degmada Qandala.

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in firxadkii kooxda Daacish  ay u baxsadeen  dhinaca buuraha iyo weliba Tog lagu magacaabo Bin Jacayl oo hadda ay ciidamada Puntland hareeraysan yihiin.

Saraakiisha ciidamada ee hogaaminayey howl galka degmada taariihiga ah ee Qandala ayaa waxaa ay dhawaan la hadli doonaa warbaahita waxaan ay u soo bandhigi doonaa khasaaraha ka dhashay howlgalkii ay ciidanka Puntland ka wadeen maalmihii la soo dhaafay degmada Qandala iyo deegaanada ku xeeran.

Wariyaasha ka howl gala magaalada Boosaaso ayaa saaka raacay dooman dheereeya oo ay leeyihiin ciidanka Badda Puntland si ay uga soo waramaan xaalada guud ee degmada Qandala ee deegaanada ku xeeran.

Dhinac kale Ma jiro  ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay  hogaamiyaasha kooxda Daacish   ee dhawaan qabsatay degmada Qandala ee Gobolka Bari.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online