Ciidamada Puntland oo howlgalo ka wada deegaanka Afkarin iyo Qandala

December 3, 2016 - Written by Editor

ciidanBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay saaka weerar ku qaadeen deegaanka Afkarin iyo Qandala oo ay in mud ah ku dhuumaaleysanayey kooxda Daacish.

Warar hoose oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay ka hareereeyeen Degmada Qandala dhanka Badda iyo dhulka waxaana ka socda howlgalo ka dhan ah  kooxda Daacish sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Taliska ciidamada Difaaca ee Puntland .

Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland ayaa sheegay in ay jabiyeen kooxda Daacish wuxuuna sheegay in ay maxaabiis qabteen .

Isgaarsiinta Deegaanada ku dhow Qandala ayaa hawada ka maqan waxaana deegaanka Afkarin ku sugan haatan cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland .

Ciidamada Ciidmada PSF , Daraawiisha iyo PIA ayaa iyaga oo lugeynaya ka gudbay shalay deegaano ka tirsan gobalka Bari iyaga oo ku sii jeeda Degmada Qandala  waxaana si diiran u soo dhaweynayey shacabka ku dhaqan gobalka Bari.

Wixii warar ah ee ka soo kordha howlgalada ka socda deegaanada ku dhow Degmada Qandala kala soco Halgan.net.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online