Culimo’udiinka Puntland oo ka digay Tartanka gabdhaha Kubadda Kolayga iyo dilalka qorshaysan ee Al-shabaab ka fuliyeen Boosaaso.[Daawo]

December 22, 2016 - Written by Editor

culimoshrGaroowe:-Culimo’udiinka ku nool deegaanada Puntland ayaa ka digay wax loogu yeeray  tartan kubadda kolayga oo ka furmaya galabta Garoowe loona qabanayo gabadhaha Soomaaliyeed oo ka kala imaanaya  maamul goboleedyada ee ka jira Soomaaliya. Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo ka mid ah culimaa’udiinka Puntland ayaa si kulul uga digay tartankaasi, isagoona xusay in qof haweenay ah ay iska safarto una safarto safar macsi ah iyadoo qaawana ay jirkeeda fiirsadaan niman ka ah ajnabi.

Dhinac kale Culumada Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay saaka magaalada Garoowe ee  ayaa si adag u cambaareeyey dilalka qorshaysan oo amniyaadka Al-shabaab ay maalmihii danbe ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ayna ku dileen Agaasimihii madaxdooyada Boosaaso iyo Taliye ku xigeenkii 3aad ee Booliska Puntland.

Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dilalka ay Al-shabaab la beegsanayaan dadka Haldoorka u ah bulshada ama qof kasta oo muslim ah ay tahay xaaraan siddii ay horay u cadeeyeen culimadii Soomaaliyeed oo ay qaarkood ay dileen ururka Al-shabaab ayna ugu horeeyaan Sh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo Dr Axmed Xaaji Abdirahmaan Allaha u naxariistee.

Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf  ayaa ugu baaqay dhalinyarada in ay ka toobad keenaan dilala ay la beegsanayaa dadka Muslinka ah inta ay hadda nool yihiin isagoo Sheekhu sheegay in dadka dhainyarada u soo diraya in ay wax dilaan aysan waxba u tari doonin maalinta Alle la hor istaagayo qof walbana camalkiisa la soo hor dhigayo.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id oo culimadu u qabteen magaalada Garoowe.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online