Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo xariga ka jaray Isbitaalka Martini (Masawiro)

December 30, 2016 - Written by Editor

1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray isbitaalka Martini ee ciidammada Naafada ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaashaandiga, wasiir ku xigeennada Caafimaadka iyo Gaashaandhiga, Taliyaha Ciidanka XDS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabada xarig jarista ee maanta.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo kormeeray qeybaha cusub ee lagu kordhiyey Isbitaalka iyo qalabka casri ah ee la keenay Isbitaalka, tanoo dabooli doonta baahida dhanka caafimaadka ee baahida weyn loo qabo. Isbitaalka Martini oo ah mid qadiimi ah oo magac weyn ku leh dalka ayaa waxaa uu si siman ugu adeeggi doonaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidammada Qalabka Sida guud ahaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey ciidammada XDS, Hay’adda Iida, hey’adihii gacan siiyey iyo dowladda Talyaaniga, sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in muhiim ay tahay isku tashiga bulshada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mudnaan gaar ah la siiyo ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii kaalinta weyn ka geystay in Isbitaal Martini dib loo dayactiro oo uu lahaado qalab casri ah si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan naafada ciidamada Dowladda. Isbitaalku waxuu leeyahay magac weyn oo marka la maqlo Martini waxaa la soo xasuusnayaa taariikhdii Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waa inaan magacaas sidiisa u dhowrno si taariikhda ummadda loo ilaaliyo.

Dhismaha Isbitaalka waa qeyb ka mid ah horumarka dalka ka socda waana inaan ku dhiirinaa hay’adaha iyo shaqsiyaadka suurtogeliyey dhameystirka iyo qalabeynta Isbitaalka sida Hay’ada Iida, Taliska Ciidanka XDS iyo Dowladda Talyaaniga oo dhammaantood suurtogeliyey inaan maanta heysano Isbitaalkii Martini oo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Hay’adda Iida, guddoonsiisay Billad Sharaf ku aadan kaalintooda weyn ee qabsoomida dhimsaha iyo qalabeynta Isbitaalka Martini.

–Dhammaad–
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online