Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabatay magaalada Garoowe

December 10, 2016 - Written by Editor

img_8192Madaxweyanaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo oo safaro shaqo ugu maqnaa dalka debediisa  ayaa maanta 20 December 2016 dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha Dawlada Puntland, Saraakiisha Ciidamada Puntland, masuuliyiin kamida Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo shacab weyne aad u tiro badan.

Soodhoweyn ka dib madaxweynaha iyo gudoomiyaha labaad ee baarlamaanka Puntland ayaa shir jaraa’id ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe,

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey safaradii shaqo ee ay  ku tageen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey wadamada qaaradaha Asia iyo sidoo kale Africa.

Madaxweyanah ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashooyinka Soomaliya iyo Sidoo kale Puntland isla markaana Bogaadiyey ciidamada Puntland oo dhowaan Guul ka gaaray aragagaxiso sheeganaysa Daacish kana saaray demadaasi iyo degaanada ay xukunto.

“aadbaan ugu mahad naqayaa goloyaasha kala duwan ee dawlada Puntland, Ciidamada Puntland iyo shacab weynaha Garoowe soo dhoweyntiina aad nasoo dhoweyseen aniga iyo weftiga aan hogaaminayey, saad la socoteen waxaan safaro shaqo u jirney wadamada shiinaha, itoobiya iyo dalka Nairobi,  ujeedada aan u tagnay dalka shiinaha waxay ahayd arimo la xiriira maalgashiga, waad ogtihiin dalku waxa uu u baahan yahay is bedel, isbedelkana meelkasta oo aan u tegi karno kana heli karno waa mid muhiima inaan uraadino dalka iyo shacabkaba, sidoo kale ka dalku wuxuu u baahan yahay maalgashiyo dhanka ganacsiga, wax soosaarka iyo shaqa abuuris loo sameeyo shacabka waa mid noo mihiima, waxaan arajaynayaa in wax wanaagsan oo degdegi ay uga soo baxaan  dadka iyo dalka Puntland”.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay  “ waxaan rabaa inaan halkan kaga dhawaaqo mashuuca aanu rabno inaanu bilawno oo ah hal ceel, hal dud, taas oo ay micnaheedu tahay cidwalba oo reer puntland ah waxaanu ka rabnaa hal riig, sidaan ka warhayno Puntland waxa ay leedahay laba boqol iyo afartan ceel (240)  ceel waxana kaafin kara ugu yaraan kun ceel(1,000), si dadka reer Puntland ay u helaan biyo kufilan, waxayna ahaayeen arimahaasi kuwa ugu mihiisan ee aanu ugu safarnay wadanka shiinaha iyo wadamadii kale ee aan soo marnay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
“ intaasi ka dib waxaan soo marnay dalka Itoobiya waxaanuna kala hadalay arrimaha amniga iyo ladagaalanka argagixisada sidii aanu isaga kaashan lahayn, sidoo kale waxaanu soo marnay dalka Kenya halkasoo aanu kula kulanay safiirada ku sugan Nairobi ee wadamada Maraykanka, Jarmalka, Talyaaniga, Hindiya iyo sidoo kale hay’ado, waxaanuna ka wada hadalay mashaariica horumarineed ee ay Puntland ka wadaan badan koodu iyo kuwo cusub oo aanu dalbanay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay mashruuca wadada Gaalkacayo oo ay hirgelinayso Dawladda Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in mashruucaasi uu u hirgeli doono sidii loogu tala galay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo ee maanta soo gaaray caasimadda Garoowe ayaa kusoo guulaystay dhamaan qorshayaashii horumarineed ee ay ugu safreen dalka dibaddiisa.

–DHAMMAAD–

Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online