Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho kula kulmay ku Simaha Danjiraha Imaaraadka (Masawiro)

December 19, 2016 - Written by Editor

img_9534Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta 19 December 2016 kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho  ku simaha danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaarada  Imaaraadka ee Muqdisho ayaa waxaa lagaga wada hadlay wanaajinta xidhiidhka ka dhexeeyey Dawladda Imaaraadka iyo Dawladda puntland, sii amba qaadida mashariicaha horumarineed ee dawladda Imaaraadku ka fuliyo  Puntland, arrimo la xiriira amaanka iyo sidoo kale  abaaraha baaxadalleh ee ka jira Puntland.

Ugu horayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala hadlay ku simaha Safiirka Imaaraadka sidii loo dardar gelinlahaa xiriir ka dhexeeyeya Imaaradka iyo Puntland, sidoo kale waxa uu uga warbixi madaxweynuhu safiirka abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland iyo sidii ay Dawladda Imaaraaadku gacan uga gaysan lahaayeen gurmadka loo fidinaayo dadka abaaru saameeyeen ee reer Puntland.

Dhinaca kale ku xigeenka safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya ahna ku simaha safiirka ayaa dhankiisa tilmaamay in ay diyaar u yihiin horumarinta iyo xoojinta xiriiraka labada dhinac, ku simaha safiirka Imaaraadka ayaa waxa uu  sidoo kale sheegay inay gacan ka gaysan doonaan abaarta baaxadale ee ka jira Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan horumarinta danaha shacabka iyo sidii ay beesha caalamku gacan uga geysan lahaayeen wax walba oo horumar u ah Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu diyaariyey qorshe ay Dawladda Puntland shacabkeeda kaga taageerayso abaaraha baaxadale ee ka jira dalka iyo sidii ay gurmad joogto ah ugu fidin lahayd dadka abaaruhu sameeyeen ee reer Puntland.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUTNLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online