Madaxweyne Gaas oo Nairobi kula kulmay Danjirayaasha dalalka Maraykanka, Jarmalka iyo Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya.

December 9, 2016 - Written by Editor

img_5388Nairobi:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo u jooga Dalka Kenya ayaa maanta 09 December 2016 kulan kula qaatay magaalada Nairobi Safiirda Soomaaliya u fadhiya dalalka Jarmalka, Maraykanka iyo Talyaaniga.

Kulankan uu Madaxweynahu la qaatay safiiradaasi ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira Dorashooyinka Soomaaliya, mashaariicaha horumarineed ee ay dalalkaasi ka wadaan Puntland iyo abaaraha baaxadda leh ee ka jira Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa safiirada ku amaanay shaqada iyo dedaalka xoogan ee ay ugu jiraan inay ka qayb qataan horumarinta Soomaaliya gaar ahan Dawladda Puntland, sidoo kale waxa uu madaxweynu uga mahad celiyey safiirada iyo dawladahoodaba sida ay ugu heelan yihiin inay ka cawiyaan arimaha amaanka guud ahaan Soomaliya iyo gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kala hadlay safiirada Dalalkaasi Jarmalka, Maraykanka iyo Talyaaniga arrimaha ammaanka Puntland waxana uu sheegay in Puntland hore ula gashay dagaallo argagaxisada nabad diidka ah ee Al-shabaab kana guulaysatay, sidoo kale isbuucii ugu danbeeyey ay kooxo argagixiso ah oo sheeganaysa Daacish weeraro ay ku soo qadeen Degmada Qandala ee gobolka Bari halkas oo ay ciidamada Puntland guulo lixaad leh ka soo hoyeen, waxaana uu cadeeyey Madaxweynaha Puntland dhamaan guulahaasi lixaad kaleh ee Puntland usoo hoydey ay ku gaadhey iskaashi, iyagoon wax gacan ah ka helayn Beesha caalamka.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxa uu uga warbixiyey safiirada xalaadda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoona sheegay in abaartan ka jirta Puntland ay tahay tii ugu darnayd ee abid soo marta Soomaaliya wax yeelona u geysatey dad iyo duunyoba, islamarkaana loobahan yahay in gacan laga geysto gurmadka loo fidinayo dadka ay baaruhu saameeyeen.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa ku bogaadiyey kuna ammaanay ciidamada Putland guusha ay ka gadheen dagaalkii ay argagixisada kula galeen degmada Qandala ee gobolka Bari iyagoo gacan ka helaya shacabka iyo Dawlada Puntland,

—DHAMMAAD—

DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online