Mu’assasada Al-minhaaj faraca Gobolka Bari oo magaalada Boosaaso ka bilowdey olole dacwadeed.[Masawiro]

December 3, 2016 - Written by Editor

15337504_1317896271582292_8015220578256873285_nBoosaaso:-Mu’asasada Minhaaj G.bari ayaa waxay ka bilowday gudaha Magaalada Boosaso Olole Dacwadeed.Ololahaan oo u jeedkiisu ahaa wacyigelinta Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa ka mid ahaa Howihii la qabtay:-

1- Kalimado laga soo jeediyey 12 Iskool.
2-Dacwada Shaarciyo Lix ah.

3-Toban Muxaadarooyin guud.

Ololahan oo ahaa kii Saddexaad ee Mu,asasada Minhaaj faraca Gobolka Bari Abaabusho ayaa Waxaa looga Hadlayey ‘Saamaynta Macaasidu Bulshada Ku leedahay.

Xamladan oo Wajigeeda Kowaad waxay ku saabsanayd ‘Dulmiga iyo Dhibaatooyinkiisa’ ayaa Waxaa Ka Mid ahaa howlihii la qabtay Nadwo kooban oo ka dhacdey Masjidka “Darayle “ee Ku Yaal Suuuqa Weyn Magaalada Boosaso.

Nadwadan Waxaa muxaadaraad ka soo jeedinayey Sh.Axmed Dahir Sh.Maxamed Macalin Axmed.Culimadu Guud ahaan Waxaa ay bulshada u qeexeen noocyada dulmiga ,qaababka uu u dhaco iyo raadka xun ee uu reebo waxay ka digeen dhulmiga qaybihiisa oo dhan. Waxaa kale oo habeenkii jimcada ahayd baxay Muxaadarooyin dhowr oo ka lagu kala qabtay Masaajidda magaalada.

Sikastaba ha ahaatee ololahan ayaa ku soo beegmay Xilli ay ka jiraan Abaaro ba,an guud ahaan Deegaanada Soomaaliyeed taas oo loo Sababaynayo Dhulmiga iyo Macaasida. Ugu danbayntii Ololahan Dacwadeed oo Wajigiisii Hore aayaa la soo Gabagabeeyey Asbuucan waxaan qorashe dacwadeedkaan uu socon doonaa mudo bil ah.

Mu’assasada Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online