State-ka Zhoushan ee Dalka Shiinaha oo Dawladda Puntland Ugu Deeqay Riigga Ceelasha Biyaha Qoda.[Masawiro]

December 2, 2016 - Written by Editor

img-20161202-wa0046Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Shiinaha ayaa masuuliyiinta State-ka Zhoushan waxay Dawladda Puntlnd ugu deeqeen riigga ceelasha biyaha qoda. Masuuliyiinta state-ka Zhoushan ayaa ballan qaaday inay ka qayb qaadanayaan xaaladda biyo la’aanta ee sababtay in abaaraha ka jira Puntland ay soo noq noqdaan, waxayna sheegeen in si deg deg ah ay usoo dirayaan qalabka riigga ceelasha biyaha qoda oo dhamaystiran iyo sidoo kale koox khuburo ah oo u kuurgasha sida looga faa’iidaysan karo biyaha la helo xilliga roobabku ka da’aan deegaanada Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale masuuliyiinta state-ka Zhoushan la galay heshiisyo ku salaysan dhinacyada Maalgashiga, Waxbarashada, Taba-barka xirfadaha iyo iibka Kalluunka howlahaas oo si dhakhso ah loo hirgelin doono.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta State-ka Zhoushan waxayna ka wada hadleen sidii loo hirgelin lahaa maalgashi dhinacyada kabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen arrimaha doorashooyinka ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya, arrimaha abaaraha ka jira Puntland,  waxaana wasaaradda Khayradka, Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumaysiga iyo Wasaaradda Biyaha ay ballan qaadeen inay wafdi kala duwan usoo dirayaan Puntland, wafdigaas oo sahminaya meelaha ugu haboon oo laga samayn karo biyo xireeno lagana qodi karo ceelasha biyaha, si bulshada Puntland ay u helaan biyo ku filan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyagoo usoo gudbi doona Puntland.

–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online