War-saxaafadeed-Shirkii golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay arimo Muhiim ah.

December 9, 2016 - Written by Editor

wasiiro_jlKismaayo:-Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya waxaa saaka Shir Gudoomiyay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaana kasoo qayb galay inta badan Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn.

Wasaarada Amniga ayaa soo bandhigtay qorshaha tayaynta Ciidamada iyo Hay’adaha amaanka oo ay kamid tahay kordhinta Mushaaradka iyo gunooyinka ay Askartu qaatan iyadoo Golahu uu ka dooday aristaas,  waxaana la isku raacay in la kordhiyo mushaaradka ay qaatan Ciidamada gaar ahaan Hay’adaha amaanka iyadoo qorshahan loo gudbin doono Baarlamaanka si ay u meel mariyaan.

Wasaaradaha kala ah Hawlaha guud iyo dib u dhiska, iyo Wasaarada Qorshaynta ayaa iyana soo gudbiyay qorshe hawleedka Sanadka Cusub ee inagu soo fooda leh si looga dodo inta uunan dhamaan sanadka 2016 kadibna aysan hawlaha Dowladu u istaagin gaar ahaan arimaha Qorshaynta.

Sidoo kale Golaha waxaa ay soo bandhigeen waxyabaha laga yeelayo xubnaha Golaha ee Safarada ama socdaalada aan la qorshayn dalka kaga maqan iyadoo hab raaca Golaha uu qabo in xubin kamid ah Golaha Wasiiradu uuna maqnaan Karin Sadex kulan oo isku xiga hadii aysan jirin Hawlo shaqo oo uu Dowlada ugu maqan yahay ama arimo gaar ah.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DAWLADDA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

Leave a comment

*

Archives
December 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online