Al-shabaab oo dib ula wareegay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose

January 26, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay dib ula wareegeen maanta degmada Badhaadhe oo maalin ka hor ay qabsaden ciidamo huwan ah oo iskugu jira kuwa maamulka Jubbaland iyo Kenya. Ma ah marki ugu horaysay oo ciidamada Ajnabiga iyo kuwa Soomaalida oo isla socda ay deegaan ka qabsadaan ururka al-shabaab ka dibna ay dib uga baxaan waxaan arrimahaan oo kale ay ka dhaceen inta badan Gobollada Soomaaliyeed ee ku yaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dhinac Kale sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu xaqiijiyey in ay ciidankooda iyo kuwa Kenya ay dib uga baxeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose mana uusan faah faahin sababta ay uga baxeen degmada Badhaadhe.

Diyaaraha dagaalka ee Ciidanka Kenya ayaa duqeyn ka geystay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose waxaana ay duqeynta ay ku dileen dad shacab ah oo rayid ah oo iskugu jira haween  iyo caruur halka dadka ku dhaawacmey duqeyntaasna la keenay Isbitaalka magaalada Ksimaayo ee xarunta  gobolka Jubbada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online