Barnaamijka abaabulka dacwo iyo wacyigalineed ee fasaxa dhexe.[Masawiro]

January 26, 2017 - Written by Editor

Galdogob:-Mu’assasada Alminhaaj-Galdogob waxay uqabatay ardayda macaahida, iskuulada, jaamacadaha iyo dhamaan dadwaynaha reer galdogob olole dacwo oo cinwaankiisa guud yahay: (Barnaamijka abaabulka dacwo iyo wacyigalineed ee fasaxa dhexe). Barnaamij kaas oo ka kooban labo qaybood oo kala ah:

1) Nadwo cilmi ah oo ay jeedinayaan culumada degmada iyo kuwo kasoo booqday magaalooyin kale. Waxaana lagu qaadaa dhigay laguna turxaan-bixiyey dhaliilalaha bulshada iyo himilooyinka shareecada, gaar ahaan culumada iyo ducaada, hogaanka bulshada, bahda barbaarinta iyo dhalinyarada.

2) Aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta xirfadaha ardayga oo loo qabtay ardayda u dhaxaysa fasalka 8aad ilaa heerka jaamacada.

Xaflad lagu daahfurayey barnaamijka ayaa ka dhacday masjidka jaamaca ah ee magaalada Galdogob habeenimadii talaadadu soo galaysay ee 24/1/2017, waxgarad isugu jiray maamulka degmada, hogaanka dhaqanka iyo qaybo kamid ah culumaaudiinka degmada ayaa soo dhaweeyey barnaamijka sheegayna inuu yimid xili aad loogu baahnaa.

Barnaamijka oo wali si habsami ah u socda ayaa la filayaa inuu soo afmeermo galabnimada jimcada ah 27/1/2017 oo ay dhici doonto xaflad lagu siinayo abaalmarino ardaydii wacdaraha ka gaysatay qaybta aqoon iswaydaarsga.

Mu’assasada Alminhaaj
Galdogob,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online