Ciidanka Difaaca Puntland oo Sheegtay in Khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab

January 16, 2017 - Written by Editor

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa Puntland  ay isku heleen buuraleyda Calmadow waxaana soo kala gaaray khasaaro kala duwan. Ilo wareed lagu kalsanoon yahay oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa Halgan.net u sheegtay in Al-Shabaab ay isku dayeen in ay miino ku aasaan ayna weeraraan saldhiga ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Buuralayda Galgala ee gobolka Bari, waxaana ka war hayey dhaqdhaqaaaqooda ciidamada Puntland halkaasna waxaa ka dhacay dagaal kooban ooo khasaaro uu ka soo gaaray Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo sugan buuraleyda Calmadow ayaa sheegay mar uu la hadlay warbaahinta in jabsheen Al-Shabaab 3 askari ka dhimatay Puntland midna ka dhaawacmay halka Al-shabaab 20 dhaawac iyo 7 meyda ay arkeen  waa sidda uu hadalka u dhigaye

Dagaalka ayaa dhacay xili habeen ah waxaana ciidamada Puntland xalay ilaa saaka ay howlgalo ka wadaan deegaanada buuraleyda ee ku dhow deegaanka Af-urur . Saraalkii ka tirsan Puntland ee ku sugan buuraleyda Calmadow ayaa sheegay inay ka digtoon yihiin weeraro ay soo qaadaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacisho oo ay Puntland si xun ugu jabisay dagaalo ay ku soo qaadeen deegaano ka tirsan Puntland waxaana u danbeeyey dagaaladii looga xoreeyey degmada Qandala kooxda Daacish.

Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas ayaa khudbadiisii sanadlaha ahayd ku sheegay in Puntland iska difaacday jabweyna u geystay kooxaha Daacisho iyo Al-Shabaab isaga oo tusaale u soo qaatay Jabkii Al-Shabaab ka gaaray deeganada Suuj ,Garmaal , Degmada Garacad iyo halka Daacish uu  laga saaray Degmada Qandala.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online