Dhacdaddii degmada Galdogob ee foosha xumey W/Q Sh Axmed Dheeli

January 16, 2017 - Written by Editor

Galdogob:-Inkastoo ay ahayd dhacdo xanuun badan, magaaladana dhaawac xun ay soo gaarsiisay, muuqaal foolxuna ay ka bixisay, dadka deegaankuna isku si ay u saamaysay. Haddana dadka qaar ayaa si aan fiicnayn oo xaqiiqda ka fog ugu qaadaa dhigay dhacdadaan baraha bulshadu ku xariirto. Waa sax inay dhaawac wayn ay gaarsiisay guud ahaan soomaali wayn gaar ahaan dadka deegaankaan ka soo jeeda laakiin maxay qabteen reer Galdogob, xageese wax marayaan:-

1) Dhamaan dadka deegaanku isku si ayey uga xumaadeen, ugana danqadeen, isku mowqifna way ka qaateen.

2) Waxaa la qabtay dhagarqabayaashii dhibka gaystay oo ilaa hada gacan bir ah ku jira.

3) Qoysaskii dhibku hoos usii khuseeyey waxay kuwada qanceen oo wada saxiixeen in dhagar qabayaasha cadaaladda la mariyo.

4) Waxaa loo qabtay gudi xeer beegti ah oo ay ku jiraan waxgarad kala duwan oo arinta maamula.

5) Waxaa socota maxkamad dhawaan soo afmeeri doonta xukunka, fadhiyo badana qaadatay.

6) Waxaa kor kala socda maamulka deegaanka ilaa heer wasaaradeed.

7) Waxaa socda har iyo habeen shirar iyo wadatashiyo waxgaradku uga tashanayaan habkii loo fulin lahaa xukunka maxkamada socota, sidoo kalena aysan mar danbe aysan ugu soo noqon lahayn deegaanka.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online