Dowradii 1aad ee loogu tala galay Imaamyada wadamada Waqooyiga Yurub oo lagu qabtay Helsinki (Masawiro)

January 30, 2017 - Written by Editor

Helsinki :-Markazka Helsinki Islam Center iyo mu’asasada dacwiga ee ay ku bahoobeen wadamada waqooyiga Yurub EMA ayaa waxay si wadajir ah u qabanqaabiyeen dowradii 1aad ee halkudhigeeedu ahaa ”sidii hawiyada islaamka loogu heysan lahaa wadamada galbeedka”, waxaana ay dowaradaasi socotey intii u dhexeysay 24-25 bisha Rabiic Al-thaani 1438 oo ku beegan 27-29.01.2017.

Waxaa dowrada ka soo qeybgalay culimo iyo ducaad ka kala socotey wadamada Boqortooyada Sucuudiga, Albaaniya iyo qaar ka mid ah wadamada iskaandaneefiyaanka. Sidoo kale waxaa dowrada ka soo qeybgalay wufuud ka kooban imaamyada iyo ducaada qaar ka mid ah wadamada waqooyiga yurub iyo dhammaan gobolada dalkan Finland.

Kalmaddii ugu horeysay oo aheyd khudbada Jimcaha waxaa soo jeediyay Sh.Cabdalla Almaadi oo ka socdey dalka Boqortooyada Sucuudiga, waxaana uu sheekhu kaga hadlay khudbadda Akhlaaqdii nabiga iyo sida wanaagsan ee uu dadka ula dhaqmi jirey.

Galabnimadii Jimcaha waxaa masjidka lagu qabtay nadwo caam ah oo looga hadlaayay sidii islaamka saxda loogu heysan lahaa dhulalkan galbeedka, waxaana ka qeybqaatay culimo ka socotey dalka Sucuudiga iyo qaar ka mid ah ducaada wadamada waqooyiga Yurub.

Maalinkii labaad ee Sabtida ayaa dowradu waxaa ay si rasmi ah uga bilaabatay hoolka jaamacadda ganacsiga ee Haaga Hellia, waxaana furey dowrada oo culimada ku soo dhaweeyay imaamka iyo sheekha markazka Sheekh Aldiktoor Cabdiweli Sh Maxamed Yusuf. Ka dibna waxaa bilaabatay kalimaadkii ay soo jeedinayeen wufuudii ka soo qeybgashay dowrada oo dhammaantoodba ka hadlay mawaadiic kala duwan oo isugu soo wada biyoshubanaayay mowduuca dowrada ee ahaa ku heysashada hawiyada islaamka ee dhulalkan reer galbeedka.

Dowradaasi oo socotey laba maalmood oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan laba boqol oo qof, waxaa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iyadoona gabagabdii laga soo jeediyay dardaaran aad u qiimo badan oo ku saabsanaa sidii loogu dadaadli lahaa dhalinyarada muslimka ah ee ku nool dhulalkan reer galbeedka, iyadoo laga ilaalinaayo afkaarta munxarifka ah, lana siinaayo tarbiyad saxiix ah oo ku saleysan kitaabka iyo sunnada iyo fahamkii salafka saalixa ah.

Halgan.net
Finland

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online