Guddoonka Baarlamaanka oo casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Labada Aqal.[Masawiro]

January 20, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahin Muudeey ayaa ka qeybgalay casho sharaf ay Guddoonka Golaha Shacabka u sameeyeen Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda casho sharafta ah oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo labada aqal ee kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ,wasiirro, howlwadeennada Baarlamaanka, fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbado ku aadan xaaladda uu Baarlamaankan ku shaqo bilaabay iyo shaqooyinka ay ka dhowrayaan umadda Soomaaliyeed waxaana khudbadaha ay ka turjumayeen khibradda Xildhibaannada Baarlamaanka mudada fog kusoo jiray iyo Xildhibaannada Golaha ku cusub ee u badan dhalinyarada kuwaasi oo helay fursad ay dalkooda ugu adeegi karaan.

Munaasabadda intii ay socotay waxaa suugaan wadani ah oo u badan guubaabo kusoo bandhigay fanaaniinta kooxda deegaan oo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeeysiga ayadoo ay cashadan noqoneyso munaasabaddii ugu horeysay ee Guddoonka la doortay ay u sameeyaan Xildhibaannada doortay.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker 

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online