Jawaari oo ku dhawaaqay musharaxnimada Guddoonka baarlamaanka “DAAWO”

January 4, 2017 - Written by Editor

img_0058Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ahaa Guddoomiyiha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012-2016 ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta in uu aqbalay codsi uga yimid Shacabka Soomaaliyeed oo ku aadanaa in uu mar kale isku soo taago xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shir jaraa’id oo uu saakay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu yiri “kadib markii aan qadariyey xaaladda dalka uu marayo howlaha adag ee na sugaya, umadda Soomaaliyeed oo maanta u baahan iney hesho hogaan wanaagsan ha noqoto xaga sharci dejinta iyo fulinta, hogaankaas oo Alle ka raali yahay ,ma fududa xilka hogaaminta Baarlamaanka waxaan aad u qadariyey tallooyin iyo codsiyo badan oo iga soo gaarayey Shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ha ahaadaan Haween,dhalinyaro,siyaasiyiin iyo Xildhibaanno aad u tira badan oo iga codsaday inaan mar kale usoo istaago hogaaminta Golaha Shacabka”.

“waxaan aaminsanahay in xilka hogaaminta Baarlamaanka Soomaaliya oo ah saldhigga awoodda dowladnimada Soomaaliyeed waa xilka ugu culus seddexda xil ee ugu sareysa dalka oo ah tiirarka awoodda dowladnimada waa uu ka culus yahay xilka laanta fulinta, sidaas daraadeed aniga oo tixgelinaya codsigaas iyo tallooyinkaas badan waayo waxaa waajib ah markii sidaan oo kale laguu soo codsado waxaa waajib diini ah in aad ka jawaabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“aniga oo ka jawaabaya codsigaas waxaan shacbiga Soomaaliyeed u sheegayaa codsigiinna iyo codkiinna waan maqlay waanna qadariyey, waxaan go’aansaday oo aan aheyn go’aan si fudud aan ku gaaray in maanta laga bilaabo aan ahay musharax u taagan Xilka hogaaminta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taasi oo aan Alle Subxaanahu wa tacaalaa aan u tala saartay , waxaan Alle ka baryayaa in uu noo fududeeyo”ayuu si cad u shaaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“qadarka Alle ayaa leh, go’aankan waxaa gaari doona Xildhibaannada Golaha Shacabka oo aan codkooda aad ugu kalsoonahay waxaanna u ballan qaadayaa Shacabka Soomaaliyeed in aan si caadil ah oo dhex dhexaad ah oo aan dhanjir aheyn aan ugu adeegi doono hadii ay ii doortaan markale in aan ku hogaamin doono Golaha Shacabka si caadil ah,, muwaadinnimo ku saleysan dhex dhexaadnimo insha Allah”.

Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in ay u muuqatay xiligan in aysan habooneyn in laga hakado hogaaminta dalka si gaar ah hogaaminta Golaha Shacabka waayo Baarlamaanka waa halka dalka laga bad baadin karo islamarkaana laga hogaamin karo waxaanna uu Alle ka rajeeyey in uu fududeeyey howsha hor taala isaga oo mar kalena ku celiyey in qaadashada go’aankan uusan aheyn mid si fudud uu ku qaatay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Mudane Jawaari:-

Abdi Jeite
Halgan.net
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online