Madaxwaynaha Puntland oo dhagax dhigay waddo isku xiraysa Qardho iyo B/Bayla.[Masawiro]

January 30, 2017 - Written by Editor

Qardho:-Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay waddo isku xiraysa magaalooyinka Qardho iyo Bandarbayla , kadib socdaal qaatay ku dhowaad todobaad uu ku marayay deegaano katirsan gobolada Bari iyo Karkaar. Madaxwaynaha oo ka hadlayay dhagax dhiga wadadaan ayaa sheegay in lagu hirgalinayo isku tashiga dowladda iyo shacabka , isagoona sheegay in wax wayn ka tari doonto isku xirka iyo horumarka gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale soo kormeeray toga biyo gudood oo dhawaan ay ka hirgelisey Wasaarada Degaanka iyo Duurjoogta ee Dawladda Puntland biyo qabatin balaadhan oo ay ugu tala gashay in ay dadka degaanku ka faa’idaystaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u soo kicicitimay dhanka degmada Qardho waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuudo ee gobolka karkaar, isagoona soo kormeeray dhismaha  Boqor Cismaan alle ha’u naxariistee, dhismahaas oo ah mid la dhisay boqolaal sano ka hor.

Intaasi kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay dhanka magaalada Dhudhub oo ay shacabka malaadasi si diiran u soo dhoweyen madaxweynaha Dawladda Puntland iyo weftigiisa. isla mar haantaana  waxaa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray ceel biyood ku shaqaynaya tamarta cadceed (solar) oo ay hirgelisey Hay’adda  Biyaha, Tamarta iyo khayraadka Dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN).

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey Hay’adda  Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN) isagoona ku amaanay cadeeyeyna inay tahay haya’d ka shaqaysa rabitaanka shacabka isla markaana ay gacanta ku hayaan shaqaale hawlkarnimo, wadanimo iyo daacabnimo ay ku jirto.

Madaxwaynaha ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Qardho , isagoo lafilayo inuu uga sii gudbo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana ka hor inta uu soo gaarin Qardho ku geeriyooday shil gaari mid ka mid ah ilaalada madaxwaynaha , iyadoona mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online