Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.[Masawiro]

January 25, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo oo kormeer ah ku tegey degaano ka tirsan Gobolka Bari ku waas oo ay isugu soo hayaameen Dadka xoolo dhaqatada ah ee abaartu wax yeelaysay. Kormeerkan shaqo ee Madaxweynuhu kula soconaayey xaalada ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyada abaartu saamaysay ee ku soo hayaamay degaamadaasi ayaa waxaa  madaxweynaha ku wehelinaayey safarkiisa masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, masuuliyiinta gobolada Bari iyo Karkaar, duqa degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada Dawladda iyo saraakiil kamida  Madaxtooyada Dawladda puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada kob-dhexaad oo hoostagta degmada Ufayn ee Gobolka Bari, soo dhoweyn kadib Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay cusbitaal ay yeelan doonto Magaaladaasi waxaana ay shacabka magaalada Kob-dhexaad cadeeyeen inay ku dhisidoonaan dhismaha cusbitaalka si iskaa wax u qabso ah tasoo ay sheegeen in ay ka midhadhaliyeen hal-kudhigii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu shacabka magaalada ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin horumarinta magaalada, isla mar ahaanta waxa uu cadeeyey in Dawladdu cagan ka gaysan doonto dhismaha cusbitaal iyo sidoo kale qalabayntiisa.

Intaasi kadib Madaweynaha iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay Dhanka Magaalada Dharoor oo ka tirsan Degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari waxaana uu madaxweynuhu Soo kormeeray ceel biyood laga qodayo Magaalada Dharoor isla markaana ay hir gelinaysey Dawladdu, waxaana uu madaxweynuhu sheegay inay Dawladda Puntland diyaar u tahay inay hirgrliso halku dhigeeda ah ‘’HAL-JID HAL-CEEL’’ si shacabka Puntland ay uga haqabtirmaan biyo la’aanta iyo sidoo kale wadooyinka muhiimka ah ee isku xira gobolada Puntland, kormeerka kadib shacabka Magaalada Dharoor ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey magaaladaasi Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Madaxweyd Cali Gaas ayaa degaanka Yadan-yoodin oo kamida meelaha ay ku soo hayaameen dadka xoola dhaqatada ah ee ay abaartu saamaysay waxa uu ku wareejiyey raashin 500 oo qays  kasoo ay ugu deeqaday hay’ada khayriga ah ee Tadaamur.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay u soo kicitimeen Degmada Isku-shuban ee gobolka bari waxaana ay shacabka magaaladaasi si diiran u soo dhoweyeen madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey, soo dhoweyn kadib madaxweynaha ayaa layeeshay maamulka iyo waxgaradka degmada kulan is xog-waraysi ah waxaana ay uga warbixiyeen xaalada guud ee degmada iyo degaanada hoos yimaada.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Madaxweyd Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa usoo kicitimay magaalada Xiriiro oo katirsan degmada Isku-shuban ee gobolka bari waxaana uu madaxweynuhu kulamo kala duwan la qaatay shacabka iyo maamulka magaaladaasi.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online