Madaxweynaha Dawladda Puntland oo u safray degmada Bandarbayla siina maray Mareer iyo Qoton.[Masawiro]

January 27, 2017 - Written by Editor

Bandar-bayla:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer shaqo ku marayey gobolada Bari iyo Karkaar ayaa maanta 27 January si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Bandar-bayla ee gobolka Karkaar. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa intaanu soo gaadhin Degmada Bayla waxaa uu kusoo hakaday oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Mareer, Qoton iyo deegaano beeleedyo kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay shacabkii iyo masuulinyiintii  Magaalada Mareer ee gobolka karkaar, halkaasi oo Madaxweynahu kulan is xog waraysi ah la qaatay dadkii reer guuraaga ahaa ee ka soo hayaamay galbeedka. waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynuha Dawladda Puntland ayaa laqaatay kulan waxgaradka Magaalada Qotan, Madaxweynaha oo lahadlay shacabka magaaladaasi ayaa waxa uu ku amaanay soo dhoweynta iyo marti soorka ay ku qaabileen walaalahooda Soomaaleyeed ee ka soo hayaamay abaarta baaxadaleh ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, abaartaasi oo dhalisay in dadku ka soo hayaamaan degaankooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo la hadlayey dadkii soo hayaamay ayaa sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeeduu aanay ka daali doonin gurmadka iyo ogaanshaha dadkooda Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay.

Dhinac kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa gaarey maanta gelinkii danbe degmada Bandar-Bayla ee gobolka karkaar, halkaasi oo  waxgaradka, haldoorka, aqoon yahanka ururada haweenka, kuwa dhalinyada, ciyaartoyda, bahda waxbarashada iyo maamulka degmadu ay si diiran ugu soo dhoweyeen madaxweynaha iyo weftigiisa.

Ugu danbayn. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu safar kusii galaabixindoonaa qaybo badan oo ka mida Gobolda Karkaar iyo Bari maalamaha fooda inagu soo haya tan iyo inta uu dib ugu laaban doono magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.  

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online