Madaxweyne ku xigeenka Puntland dalka Soomaaliya waxaa heysta Shisheeye (Daawo)

January 27, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cumar Camey ayaa waxaa uu ku qabtay magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland Shir jaraa’id waxaana uu uga hadlay xaalada dalka Soomaaliya waxaana uuna si gaar ah uga warbixiyey magaalada Muqdisho oo uu dhawaan ka soo laabatay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in Muqdisho ay ka jiraan laba dowladood oo kala ah DFS iyo Dowlda Shisheeyey oo xaruntoodu ay tahay Saldhiga Xalane wuxuuna sheegay in safiirada dowladaha shisheeye ay xukumaad madaxweynaha DFS .

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa si kulul uga hadlay madasha qaranka ,warbixin ay soo saartay hay’ad Ethiopian ah oo sheegtay in Madaxweynaha Somalia uu noqdo qof kasoo jeeda beelaha Hawiye taas oo u ku tilmaamay siyaasad lagu doonayo in beelaha Soomaaliyeed madaxa la isku galiyo .

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale u tacsiyeeyey qaraabadii iyo eheladii dadkii ku dhintay qaraxii lagu weeraray Hotel Dayax oo ay ku dhinteen 30 qof in ka badana 43 ay ku dhaawacmeen waxaana weearkaas geystay kooxda dhiiga shacabka Soomaaliyeed xalaaleysatay ee Al-Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Shirjaraa,id oo xasaasi ah ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online