Madaxweynihii hore ee DFS Sh Shariif Sh Ahmed oo si weyn loogu soo dhaweeyey Kismaayo (Masawiro)

January 4, 2017 - Written by Editor

shariifKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka J/land, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Ahmed ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Madaxweynaha Juba Land Sh Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) iyo xubo ka tirsan Labada Gole Maamulka Jubaland.

Madaxweyne Sh Shariif Sh Ahmed ayaa waxaa uu gacan qaaday Masuuliintii iyo dadweynihii ku soo dhaweyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Madaxweynaha Maamulka J/land ayaa warbaahinta la hadlay xili ay ku sugnaayeen qeybta nasashada Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshaha Madaxweyne Shariif ayna soo dhaweynayaan.

Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa ka mahadceliyay dhamaan Masuuliinta Jubaland iyo dhamaan dadweynihii sida weyn ugu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo
Xuquuqda Masawirada Dhanaan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,073 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>