Madaxweynaha Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Kaydka Shidaalka ee Garoonka Diyaarada ee Boosaaso.[Masawiro]

February 28, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta 28 February 2017 xadhiga ka jaray dhismaha kaydka shidaalka diyaaradaha ee Shirkada ‘’DS’’, waxaana uu dhismuhu ku dhexyaalaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso International Airport.

Xadhig ka jarka dhismaha cusub ee kaydka shidaalka diyaaradaha ayaa waxaa madaxweynaha ku weheli naayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, gudoomiyaha gobolka Bari, masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

kadib Kormeerka iyo Xadhig ka jarka dhismaha kaydka shidaalka diyaaradaha ee shirkada ‘’DS Aviation Fuel Company’’ayaa waxaa uu Madaxweynuhu ku amaanay masuuliyiinta shirkada “DS” waxqabadka iyo ganacsiga hurumarineed ee ay ka fuliyeen Dalkooda, isla markaana ay geliyeen muruq iyo maalba sidii ay kaydkan shidaal uga hirgelin lahaayeen Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mahad balaadhan u jeediyey ganacsatadda iska kaashatay hirgelinta shirka “DS Aviation Fuel Company’’ ’’ waxaana uu Madaxweynuhu ku tilmaay inay Puntland u tahay Mustaqbal fiican iyo horleh, isla mar’ahaantaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in Dawladdu markasta garab taagan tahay cidwalba oo danaynaysa maalgashiga dalkooda, isla markaana ay dawladdu ku amaanayso shacabkeeda ka midha dhalinta halku dhiga “ PUNTLAND HA ISKU TASHATO’’.

Madaxwenaha ayaa intaasi raaciyey in gaaroonka caalamiga ah ee Boosaaso International Airport uu yahay garoon laysku halayn karo maadaama ay wax weyn ku soo kordhisay shirkada shidaalka diyaaradaha ee “DS Aviation Fuel Company’’ ”, waxaana uu madaxweynuhu shaaciyey in garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe heer gebageba ah marayo taasina ay guulwayn u tahay Dawladda Puntland iyo shacabkeeda.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaalada amni ee Dalka, waxaana uu sheegay in Dawladda waajib ka saaran yahay shacabkeeda isla markaana loo baahan yahay inay amniga adkayso, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaaqay inay la shaqeeyaan ciidamadda amnigooda sugaya si ay xasilooni ugu dhamaato wax kasta oo xalin u baahan.

Madaxweynah ayaa sidoo kale ka digay been abuur iyo dhaliilaha aan waxba ka jirin ee cida gaarka ahi ku majara habaabinayaan shacabka, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey shacabka Puntland inaanay marnaba aqbalin in dangaara loo burburiyo danta guud ee ka dhexaysa ummada reer Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo ay hirgelin doonaan shirkada “DS Aviation Fuel Company ” taas oo ay ugu talagaleen inay ka sameeyaan kaydka weyn oo lagu kaydin doono shidaalka diyaaradaha.

–DHAMMAAD—
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAN

Leave a comment

*

Archives
February 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online