Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Garoowe (Masawiro)

July 31, 2017 - Written by Editor

Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 July 2017 soo kormeeray gigida diyaaradaha Garoowe oo dhismihiisu gebogebo marayo.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee Dawlada Puntland iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin isugu jirey Wasiirro iyo xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyanaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxweynuhu dul istaagay qiimeeyeyna meel kasta oo shaqo ka socotey garoonka dhexdiisa, waxaana uu Madaxweynuhu ka xogwaraystay shaqaalaha ka shaqaynaayey dhismaha garoonka sida ay shaqadu u socoto.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee dawladda Puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqada loo igmaday, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in tayo ahan iyo bilic ahaanba garoonka loo hirgeliyey sidii qorshuhu ahaa.

Dhinaca kale madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey in dhismaha garoonku marayo wejigii ugu danbeeyey, isla mar’ahaantaana lasoo afmeeri doono inta hadhay wakhti aan fogeyn Insha Alla.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe oo ay ugu horeeyaan madaxda Wasaaraddu inay markasta xasuusnadaan in dhismahani muhiimad gaara u leeyahay kaabayaasha horumarineed ee dawladda Puntland, madaama uu ka qayb qaadanayo horumarka, bilicda, isku xidhka Puntland iyo caalamka intiisa kale, isla markaana u kaalin weyn ka qaadan doono ilaha dhaqaale ee dalka.

==DHAMMAAN==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online